|
|
Xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyed iyo Rajada Midnimada Wadanka laga Qabo. [Qore. Eng. Abdulkadir Abiikar]:
|
Rajo weyn oo laga qabo midnimada Somaliyeed inay soo laabato ayaa soo if baxaysa. Kacdoonka Shacabka Somalia waxuu soo ban bixiyay waxa ay ku middoobi lahaayeen oo ah dunta ugu weyn ee isku xirta shacbkeena, taasoo ah diinta Islaamka iyo kitaabka Allah.
Rajada ay Somalidu ka lahaayeen in ay midoobaan ayaa gaartay meelo badan; meelaha kalena waxaa dul hareeraynaysa xaaladihii sababi lahaa Kacdoonka Shacabka Somaliyeed. Arrintii ay Xamar ku diirsatay ayaa xiisaheeda ku faafayaa gayiga Somalida dhammaan tiis.
Shacab ka Somalida waxaa si dhab ah ugu muuqatay in talo nabad iyo horumar lagu gaaro ay tahay in kulli ahaan la qaato Kitaabka, laguna dhaqmo. Fikaradda ku salaysan arrintaas, ayaa lagu magacaabaa Kacdoonka Shacabka Somaliyeed.
Ku faafidda ku dhaqanka diinta dhinaca siyaasadda ee Somalia waxaa calaamad u ah xawaare ahaan iyo xawli ba, mithaal ahaan arrimahaaan oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay dhacay, taasna caddayn iyo daliil ba waxay u tahay xawaaraha Kacdoonka Shacabka Somaliyeed:
� Xiriirka iyo iska warqab ka hoos ka socda shabaab ka reer Puntland iyo Koofur. Maamul Goboleed ka Puntland waxay ka qaaday cabsi iyo rucbi badan arrimaha ka dhex socda wadaadada. Taas waxay dhalisay inay joojiyaan duulimaadyada ka yimaada dhinaca Xamar ee ku soo dega Puntland in la joojiyo.
� Wafuud culimaauddiin iyo dhalinyaro ba leh oo ka kala yimid goobo badan ee ka mid ah Puntland iyo Somaliland oo ku soo qulqulaya Xamar si ay uga arrinsadaan, una qorsheestaan hawl galka soo socda noociisa iyo goortaba. Walwel weyn ayay ku muujisay Somaliland arrintaas. Magaalada Burco waxaa ka yimid Sheekh Cali Warsame oo la sheegay in uu ka tirsanaa hoggaamiyayaashii Ururkii Al-itixaad ee jiray 90 meeyadii iyo culumaa�udiin kale oo la sheegay in ay ka soo ambabiaxeen Hargeysa, uuna ka mid yahay Sheekh Jibaad.
� Waxaa in la xuso mudan wafdi ballaaran oo ka socda deegaanka Burco oo u yimid inay la tashtaan walaalahood oo Allah guul ka gaarsiiyay arrimaha siyaasadda. Markii ugu horreeysay ayaa wufuud ka socota Hargeisa soo gaartay Xamar, Koofur.
� Baycadii ay sammeeyeen Beesa Harti-Daarood ee Waamo (Jubada Hoose) inay gargaaraan Maxkamadaha lana shaqeeyaan. Sidaas oo kale waxaa sammeeyay beelaha deegaanka Kismayo deggan.
� Dadka deggan Degmada Ceeldheer iyo Galcad oo iyagana doortay in Maxkamad ay ka furaan deegaankooda. Shalay ayaa dad ka mid ah ahlul xalli wal caqd kala hadleen Sheekh Shariif arrimaha ku biiridda Maxkamadaha ee deegaan ka Ceeldheer iyo Galcad.
� Maanta (30 Sept. 2006) oo ay ka socoto Afgooye hawsha ah in Makamaduhu la hoos keeno Maamulka Shabeelada Hoose. Mamulkan ayaa ka sammaysan degmooyinka Balli Doogle, Wanla Weyn, Afgooye, Marka, Qoryooley iyo Baraawe.
� Dadka deggan tuulooyin ka Jawiil iyo Beer Gadiid oo Maxkamad ka furtay aaggooda, iskana buriyay Engineer Caddow iyo ciidankii isbaarada u tiilay Kala Bayrka, oo Beled Weyne iyo Matabaan u dhexeeya. Ciidan kii laga adkaaday ayaa firdhad kooda galay xuduuda Ethiopia, kuna biiray Maxamed Dheere iyo dagaal ogoyaashii laga buriyay Bulo Burte iyo Beled Weyne, oo ciidan ku tabobaraya gudaha Ethiopia, aagga ku aaddan Kala Bayrka.
� Sidoo kale jilib ka mida beesha Cumar Maxamuud ayaa Gaalkacyo waxay ka soo saareen in ay soo Maxkamadaha iyo ku-dhaqan ka Shareecada, isla markaana rabaan inay kula walaloobaan bulsho weynta Somaliyed meelkasta oo ay joogaan, waxayna ka codsadeen maxkamadaha in ay si dhakhso ah u soo gaaraan deegaankooda oo ay ka heli doonan hiil iyo hooba.
Arrimahaan haddaad u xog-gashid, waxaa kuu soo if baxaya siday ay dhab u tahay warkii Sheik Xasan Turki uu yiri in dhammaan gobollada Somalia ay �Dhex jiifaan webi hirkiisa ku imaan doono�. Inshaa Allah wayna dhaboowi doontaa.
Inta ka hartay Somalia, inshaa Allah, way ku soo biiri doonaan Kacdoonka Shacbiga Somalia ee xawaarinaya. Arrin strategy ahaan, waxaan kaloo rajaynayaa in dhawaan Tayeeglow, Qurac Joome iyo Xuddur ay soo gali doonaan, iyadoo aagga kale ee Dooy [Diinsoor, Yaaq Baraawe, Saakow iyo Bu�aale] ay ku soo biiri doonaan. Taas waxay keenaysaa in dhinac kasta laga soo ciriiriyo Baydhaba, ka dibna uu cadowga [TFG] iska cararo.
Qore:Engineer Abdulkadir Abiikar London, UK, [email protected]
NB: Godeynews masuul kama aho qoraalkan. Laakiin waxay turjumaysaa aragtida qoraaga kusixiixan. |
|
|
|
|
|
 

|