|
|
Sheekh Xasan Turki oo Laad Yar ku Salaxay Barre Hiiraale. Qore Cabdi Miriq
|
Gabood falka ugu daran ugana cimri dheer ee ay gumaystayaashii Reer Yurub u gaysteen dadyawgii ay gumaysteen waa qayb-qaybintii iyo kala qoqobayntii dad wada dhashay oo aan sinaba u kala gu�i karin.
Kurduyiinya ayuu Ingiriis u kala qaybiyey ilaa saddex meelood oo Ciraaq, Turki iyo Iiran ku kala daray. Barbariyiinta ayuu u kala saaray Marooko, Aljeeriya, Tuuniisiya, Liibiya iyo ino kale. Soomaalida ayuu sidoo kale kala firdhiyey oo uu u qaybiyey shan meelood oo uu midba qolo shisheeye ah ku rakibay.
Markay gumaystayaashii Reer Yurub dad isku af, diin, isir iyo dhaqanba ah sidaa u kala qaybinayaan, kuwa aan waxba wadaagin oo ay masiixiyadda ku sandulleeyeen ayey isku kakabeen oo ay dalal is haysta ka dhigeen.
Meel fogba adoon eegin bal fiiri Kenya. In ka badan 40 qowmiyadood oo ku kala hadla in ka badan 40 luuqadood ayaa Kenya kunool. Jinsi walbana dhaqan ka duwan dhaqamada kale ee dalka ka jira ayuu leeyahay oo caan ku yahay. Itoobiya, inkastooy kala qaybinta Soomaaliya lug weyn ku lahayd, haddana waxaa iyadana lagaga hadlaa 40 luuqadood iyo ka badan. Sida Kenya ayeyna qowmiyad walba tan kale uga dhaqan iyo isir duwan tahay.
Marka dad mid ah ay Yurub kala qaybinayso kuwa aan waxba iska galinna isku qobtolayso ujeedadeedu waxay ahayd inaan wadamada ay gumaysteen waligood aafo, dagaal iyo dibdhac ka bixin, mar walbana ay gacanta u hoorsdaan una ahaadaan saylad ay hubka u iib geeyaan.
Kala qaybinta Soomaaliya ee 5ta meelood Yurub ka dhigtay waxay saamaysay tololka Soomaaliyeed qaar ka mid ah. Saamaynta ugu weynse waxay ku yeelatay Beesha Absame oo la odhan karo Yurub saddex meelood oo aan kala yarayn ayey beeshan u kala jartay.
Degaankii Absame ee laga soo billaabo Bardoode ilaa webiga Tana isku xidhnaa ayaa kala go�ay. Meelaha qaarkood gumaysigu wuxuu ku beeray qabaa�il u dhaganugul si uu u galshogoosto Absameha.
Qayb Itoobiya ka mid ah, qayb British Somaliland ah, qayb Italian Somaliland ah (labadan dambe waa Jamhuuriyadda Soomaaliya), iyo qayb kale oo Kenya ka tirsan ayaa tolkii Absame ahaa Ingiriis caga-weyne ku kala xidhay. Qaybta Jamhuuriyaddu waa Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Bakool.
Horay usoo orod sheekadana soo koob. Dawladii Soomaaliya kolkay dhacday 1990kii, Absamihii Jamhuuriyadda ku dhaqnaa badankiisu wuxuu isku uruursaday Jubadda Hoose iyo Jubadda Dhexe. Dagaalkii sokeeye intuu socday, Absamuhu waxay Jubbooyinka kula dagaalameen qabaa�ilo Soomaaliyeed oo nooc walba leh. Waxaa soo kala hogaamiyey Jeneraal Aadan Gabyow iyo Kornayl Axmed Cumar Jees. Waxaa horaantii 90aadkii magaalada Kismaayo qabsaday Gen. Moorgan oo kaashaday Puntland, Gedo iyo xoogag kale. Waxaa dib uga qabsaday ciidamada degaanka oo ay hoggaaminayeen Col. Jees iyo Col. Axmed Xaashi Maxamuud.
Horraantii 900aadkii, kolkii ay UNISOM tu dalka timid ayaa Moorgan oo ay gaashaan u yihiin ciidamadii Biljumka ee Kismaayo fadhigoodu ahaa dib u qabsaday magaalada Kismaayo. Moorgan xukunkiisu magaalda labadeeda dacal ma dhaafsiisnayn oo waxaa Jubbooyinka intooda kale ka talinayey ciidamada degaanka ee Beesha Absame oo markaa hoggaankooda uu hayey Kornayl Axmed Xaashi.
Cabbaar ka dib ayey huwantii Moorgan uruursaday is khilaaftay, waxaana 1998 Kismaayo gacanta ku dhigay Col. Barre Hiiraale oo Gal-Guduud kasoo duulay. Barre wuxuu kaashaday qayb ka mid ah xoogagii Xamar ka talinayey. Xukunkiisu isna Kismaayo kama baxsanayn. Waxaa la odhan karaa Barre ciidan iyo awood tiisa kuma haysan Kismaayo ee waxaa garab iyo gaashaanba u ahaa nimankaa Xamar kasoo raacay.
Siyaasiyiintii Absame ee Jubbooyinka halkaa wixii loo soo gaadho dhaqdhaqaaqoodii iyo saamayntii siyaasadeed ee ay ku lahaayeen Jubbooyinkaba way yaraatay maxaa yeelay awood ciidan oo muuqata ayeysan haynin.
Arimo dhawr ah ayaa la sheegaa inay ugu weyn yihiin sababihii keenay in siyaasiyiinta Absame ee Jubbooyinka tabartoodu naafatay.
I) waxay la jaanqaadi waayeen isbadalkii dalka ka socday ee xulufaysiga iyo isbahaysiga ku dhisnaa kadib markii isbahaysigii ugu horreeyey ee SNA ee uu Axmed Cumar Jees aasaasay magacana u bixiyey baaba�ay. Waxay talo dhaafin waayeen, Jubbooyinka annaga unbaa ka talin iyo talada Jubbooyinka cidna la qaybsan mayno.
II) is qabqabsi dhexdooda ah oo ku dhisan anigaa talin iyo ma ahee anaa talin. Sidaa daraadeed faashil ayey siyaasadoodii noqotay.
III) shacabka Absame oo kasoo istaagay dagaalkii sokeeye iyo dhiigga Muslimiinta ee daadanaya. Shacabka Absame oo caan ku ah diin jacayl iyo aqoonba badankiisu wuu diiday in qabqable dagaal oo habaynkii oo dhan qayila maalintiina jiifa uu adeegsado. Jirridii iyo nimankii dagaalka ku caan baxay ayaa lasoo istaagay �al-qaatulu wal maqtuulu finaar� Ma doonno.
Sababtan ayey khubaradu ku sheegeen inay tahay midda ugu weyn ee saamaysay Absameha Jubbooyinka iyo tabartooda ciidanba iyo kuwa kale.
Sidaasi kolkii ay dhacday Barre Hiiraale iyo qolyihii cududa ahaa waxay iska dhaadhiciyeen in Kismaayo u ahaatay, sanado badan ayeyna dabaal dhufleeyeen. Intii ay Kismaayo xaaraanta ku haysteen, danbiyo badan oo aan kollaba Barre lagu cafiyeynin ayuu galay. Waxaa ka mid ah gubidii degmada Dhoobley iyo dilkii Xaaji Qoraxey. Barre Hiiraale kolaba isma odhan dadkii degaanka u dhashay ayaa guluf hor leh kugu kicin doona oo hadh cad kaba la�aan kaa diri doona Kismaayo iyo Jubbooyinkaba.
Malahaasi wuu beenoobay, wuxuuna u beenoobay si yaab leh. Barre Hiiraale wuxuu sameeyey taariikh hor leh oo aan waligeed ka dhicin Kismaayo. Kismaayo oo aan dhiig badani ku daadan oo la kala qabsado ma dhicin hadda ka hor. Absamuhu wuxuu qarni hore xoog kaga furtay Gaalo madow, waxay kula dagaalameen Harti, oo waa adiga arkay Lafo Harti. Moorgan xoog iyo dhiig badan oo daatay ka dib ayuu qabsaday, Jees xilligiisiina maryo dhiig leh ayaa la kala furtay, Barre Hiiraale naf ahaantiisu dhiig badan oo daatay ka dib ayuu kalkii hore ku qabsaday.
Haatanse markuu maqlay Sheekh Xasan Turkioo ciidamada degaanka hoggaaminaya ayaa dul fadhiya magaalada xabad qosh ka siinin, ee hadh cad ayuu ka huleelay. Waa taariikh cusub oo Barre Hiiraale buugga u gashay. Shaagle laga baqay.
Taariikhdaa Barre iyo budhacdii uu watay ee Gal Gaduud kasoo yaacday buugga u gashay waxay ku tusaysaa inaan Barre magaalada haysan laakiin uu hangool ama magac u yaal ahaa.
Absame
Midowga Maxkamadaha ha taageerina oo kaliya ee idinku yeesha oo dhaqdhaqaaqooda iyo hadafkooda laydinkama xigee dhabarka saarta. Shabaabka Absame, wadaadada iyo shacabka guud ahaanba ha galeen xerooyinka tababarka oo ha u diyaargaroobeen inay difaacaan dhulka hooyo iyo degaankaba. Is hubeeya ileen waa tii Cabdullaahi Dhoodaan horay u yidhi �warankagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye.� Oo yaan mar dambe hub iyo saanad la�aan dugaagu Kismaayo iyo Jubbooyinka meel ka mid ah lug soo dhigin.
Sidaa oo kale waa tii Axmed Sheekh Jaamac lahaa: �xaqa iyo sharcigu waa wixii xoogu kuu taro e, hubkaagoo xanuun lihiyo nimaan xanafi kaa reebin, xaamiinta kuma joogsadiyo qawl xadiis yidhiye.� Jubbooyinka iyo Bakoolba ka hirgaliya shareecada Islaamka iyada ayaa kheyrku ku jiraaye.
Midooba oo khilaafka iyo qabyaalada qudhunka ah iska ilaaliya ileen waa tii Axmed Sheekh Jaamac hore u yidhiyee �mayal laysu geeyiyo ciddaan muujin cududee, mintid soo haliiliyo dugaag yaa ku mayracane.� Diinta Ilaahay iyo danteeda ku midooba, dariska iyo degaankana si wanaagsna ula dhaqma.
Siyaasadda Maxkamadda Islaamiga ah ee Jubbooyinku yaanay saamaynin degaanada kale ee Absame dego ee ka baxsan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Minjo dhiiqo marba mid ayaa la siibaa, hadbana tabartaa ayaa la tallaabsadaa.
Maamul degdeg ah oo ku salaysan degmooyinka labada Jubbo u dhisa degaanka. Maamulka dadka degaanka ku nool ee dulmigii Barre laga xoreeyey oo dhan waa inay iska dhex arkaan oo uusan noqonin kud ka guur oo qanje u guur.
Jaaliyaadka Absame ee Qurbaha
Waa inay jaaliyaadku hiil iyo hooba la garab istaagaan Maxkamadda Islaamiga ah ee Jubbooyinka. Bayaan aad soo saartaan iyo talo badda raarteeda aad kasoo dirtaan waxba kuma fadhiyaan. Degaankii ku noqda, wufuud dira oo is abaabula. Maraykanka, Kanada, Yurub, Ustareeliya iyo Newzealand, Carabaha, Koonfur Afrika iyo Bariga Afrikaba guddi hawlfulineed ka dhisa oo waxtar la taaban karo ha idinka yimaado.
Ganacsatada Koonfur Afrika ee madowgu maalinba mid galowga taabto dib ha ugu noqdeen Kismaayo iyo degaanka intiisa kaleba. Haddii kale sidii Cabdullaahi Dhoodaan yidhi �ruxii huleelee ka taga hogobka ciidiisa, haytaloshkuu maganta u noqduu abid ka hoosayn� ayaa idin huran.
Barre Hiiraale
Barre Hiiraale waa danbiile dagaal waana in looga daba tagaa Baardheere iyo meel kasta oo uu joogo gacantana ay Maxkamadda Islaamiga ah ee Jubbooyinku kusoo dhigtaa. Waa in loo qisaasaa gubidii Dhoobleey iyo dilkii xaqdaradda ahaa ee uu u gaystay Sheekh Qoraxey. Waa inaan loo ogolaanin inuu Itoobiya iyo cadow kale dabada la galo. Waa inay Maxkamadda Islaamiga ah ee Jubbooyinku kasbataa shacabka oo dhan oo ay ka mid yihiin kuwa dariska la ah Juubbooyinka ee Gedo. Waa inay maxkamadu u digto reer Gedo una caddaysaa inaysan hoy siinin danbiilaha baxsadka ah.
Midowga Maxkamadaha
Gaadhsiiya nuurka iyo shareecadaba Gobolka Gedo. Barre Hiiraale inuu Baardheere fadhiisin ka dhigto daw ma aha. Ka xoreeya Reer Gedo Barre iyo dulmigiisa.
Maamulka ay Maxkamadda Islaamiga ah ee Jubbooyinku gobolka u dhisto si buuxda u taageera oo xoojiya. Dadku isku heer ma wada aha, wanaagga iyo xaqa waa la kala hor arki og yahay lana kala qaadan og yahay, ninka jaabaca ah ee aan horay nuurku laabtiisa u galin u dhimriya. Maalin kaliya dadku Xasan Turki oo kale ma wada noqon karo ee deganaan, dulqaad, soo dumid iyo jacayl shacabka laabta u galiya.
Xumaanta kolkaad suulinaysaan isticmaala xikmad iyo mawcido wanaagsan. Isticmaala fiqul taqyiirkii caanka ahaa. Ilmo xalay dhashay inuu saaka durduriyo waa waxaan dhici karin. Waa inuu fadhiistaa, gurguurtaa, kacaa-kufaa, tallaabo qaado dabadeed ordo siduu Dhoodaanba yidhi u yidhi �talaabada yarbaa lagu bartaa, tawda boodada e.�
Jaadku waa xaaraan, qof walba oo Soomaali ah oo damiir lehna dhibaatada uu dadkeena ku hayo wuu og yahay. Laakiin maalin qudha dadkii kama wada gu�i karo. Dumarkii ka faashlayn jiray ee nolol maalmeedka kasoo saari jiray waa in dhaqan celin iyo ilo dhaqaale oo u badala jaadka loo sameeyaa.
Qore: Cabdi Miriq [email protected]
NB: Godeynews masuul kama aho qoraalkan. Laakiin waxay turjumaysaa aragtida qoraaga kusixiixan. |
|
|
|
|
|
 

|