GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Ujeeddo: Ogaden Student Forum oo Cambaareyay Afduubkii loo gaystey Radio Xoriyo.
Ku: Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaden.
Ku: Shacbiga geesiga ah ee Ogaden (goobkasta ay joogaan)
Ku: Ururrada kale ee reer Ogaden (goob kasta oy ka jiraan)

Ujeeddo: Cambaareyn Afduubkii loo guystey RX.

Ka dib markay Ogaadeen in Radio Xoriyo ay kuwo isgadey ay u gacangaliyeen Gumaysiga Ethiopia 29/09/06., ka dib markay ogaadeen inay kutir-kuteen ay dawladda Ethiopia soo malmaluuqd ka sii daayeen, waxa uu Golaha dhalinta ee Ogaden students forum (OSF), oo uu saldhiggiisu yahay wadanka UK cambaareynayaa tallaabada ay qaadeen kuwaas isgaday.,

Radio Xoriyo (RX), oo ilaa iyo maalintii la hirgaliyay si toosa dunida uga baahin jirtay dhibaatooyinka uu Gumaysiga Abbysinyia ku hayo shacbiga ay gumaysato ee Somalida Ogadenia. dhibaatooyinkaas oo ay ka mid yihiin xasuuq dadweyne, Dhac iyo boob hanti, Wadar-gawrac iyo isir tirtir. Sidoo kale wuxuu RX ahaa astaanta warbaahineed ee halganka xaq u dirirka iyo Gobonimo doon ee Shacabka Ogadenia, majarahana ay u hayso Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenia (JWXO).

Sidaas daraadeed waxuu golaha ardayda Ogaden (OSF) sida ugu adag cambaareyn dusha uuga tuurayaa Kuwa uu ku adeeganayo Cadawga ummaddu ee hantidii Ummadda u gacangaliyey Taliska umulo dooxa ah, si loo wiiqo, loo minjaxaabiyo, khalkhalna loogu abuuro halganka xaqa ah ee shacabka Ogadenia ugu jiro siduu karaamadiisii iyo sharaftiisii ee uu inbadan gumaysiga Ethiopia duudsinayay u soo ceshan lahaa.

Waxaa hubaal ah in shirqoolka lagula wareegay RX uu soo maleegay Gumaysiga Ethiopia iyagoo kaashanaya kuwii looga dhigay masuulk ee lagu aaminay hantida ummadda.

Intaas ka dib, wuxuu golaha ardeydu (OSF) ku baaqayaa:

1- Waxaanu ugu baaqaynaa kuna boorrinaynaa JWXO inay samayso baadhitaan rismi ah kaasoo lagu ogaanayo dadkii falkan fulaynimo ka dambeeyay, kuwii la soo abaabulay iyo kuwii ku dhiirri galiyay intaba.

2- Waxaanu ugu baaqaynaa JWXO & shacabka reer Ogadenia labadaba inay caddaalad la tiigsadaan kuwii ka dambeeyey Afduubkii RX loona abaal mariyo Goorta, Goobta iyo sida ugu habboonba.

3- Waxaanu ugu baaqaynaa JWXO & Shacabka reer Ogadenia labadaba ugu baaqaynaa in loo guntado sidii loo soo dhicin lahaa Hantidii ummadda ee kuwa is-gaday cadawga u gacangaliyeen.

4- Waxaan ugu baaqaynaa shacabka reer Ogadenia iyo inta taageertaba inaysan u liicin hagardaamada cadawga, meelna uga soo wada jeedsadaan siday uga hortagi lahaayeen dabinnada uu Gumaysigu u maleegayo.


Guusha waxaa leh gobanimodoonka & shacbiga dulman ee Ogadenia.

By: Ogaden Students Forum.
London.




Qoraalka oo english ah waa kan;


To: Ogaden National Liberation Front.
To: The Brave People of Ogaden (wherever they are).
To: Other Ogaden Organisations.(wherever they are based)

Ref: Condemnation of the seizure of Radio Xoriyo:

After having realized the seizure of Radio Xoriyo (RX) on 29/09/06 by individuals who sold themselves to the Ethiopian government; and having realised that these individuals have aired some worthless propaganda concocted by the Ethiopian regime. The Ogaden Students Forum (OSF), who are based in the United Kingdom wish to condemn the actions of these cheap individuals.

Since its establishment, RX was at the forefront to present to the world the plight of the Ogaden people, the injustices served to them by the merciless colonial regime of Ethiopia. RX was at the forefront to convey to the world the colonial Ethiopian government�s policies of mass-murder, genocide, extra-judicial killings, random detentions and ethnic cleansing of the Ogaden people. Furthermore RX was the symbol of the struggle of the Ogaden people led by the Ogaden National Liberation Front to regain their god given rights to freedom and to preserve their dignity

The Ogaden Students Forum therefore, strongly denounces and condemns the few individuals who have handed over Radio Xoriyo (RX) to the enemy of the nation. In order to jeopardize undermine and derail the just struggle of the people of Ogaden for self-determination. This is a clear sign of the continuous attempts made by the brutal Ethiopian regime to create confusion through the use of stooges who only serve its interests.
It�s a certainty that the seizure of RX by rogue individuals who were entrusted with it was instigated by the crumbling Ethiopian regime.

That said; the Ogaden Students Forum wish to say the following.


1- We call upon and strongly urge the ONLF to commence an official enquiry, with the aim of unearthing those who were behind this cowardly act and to unmask those who aided and abetted them and to expose those who unrelentingly encouraged them to perpetrate this crime.

2- We call upon the ONLF & the Ogaden people at large to seek and apply swift justice and to reward these culprits with what they deserve when, where and the way that�s conceivably right.

3- We call upon the ONLF & the Ogaden people at large to leave no stone unturned so as to reclaim and bring back into their hands RX which was handed over to Ethiopia by deceitful idiots who are in their pay.

4- We call upon the Ogaden people at large and anyone who supports their inalienable right to self-determination not fall into the traps devised for them by the murderous regime in Addis ababa.

We, the Ogaden Students Forum wish to convey our utmost support to the men and women of the Ogaden National Liberation Army.

Victory to the Freedom Fighters, Victory to the Ogaden people, Victory to the peoples of the world who like justice.

By: Ogaden Students Forum (OSF), London UK.
Email;[email protected]

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com