GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Nimaanan Shantaada Kaa Celinin Sharci Kaama Celiyo. Qore Ugbad Cabdullaahi
Waxaan toos ula hadlayaa dhamaan waxgaradka, odeyaasha, dumarka iyo dhalinyarada beesha Absame meel kasta ay joogaanba dalka iyo dibadaba, gaar ahaan kuwa kunool jubooyika.

Waa inaan ka diyaar garoownaa Gumaadkan inagu soo socdo.

1: Runtii waa nasiib daro iyo weliba damiir xumo mareexaan 7 sano gurigaa hakugu gumeysto hadana marka KITAABKA ALLE yimid oo ayagoon dhib loogeyste jirin oo xitaa aan laga aargoosan inaay duulaan inagu soo noqdaan iga oo kaa shanaya axmaaro iyo tuugtii Baydhabo, taasi waa mahmahdii aheyd "Ri walba shalal kaay is dhigta ayaa lagu qalaa."


2: Dadka jubooyinka ku nool ee Absame waa inaay talaaba adag ka qaadaan haraaga Barre Hiiraale ee magaalada kismaayo ku nool ee kawada abaabulka dagaal sidaay Hiiraale kismaayo ugu soo celin lahaayeen.

Arinkaas oo aad ugu mashquul sanyahiin odayasha iyo dumarka mareexaan ee ku sugan magalada kismaayo. Hana is dhihina maxkamada haa ku filan, balse maxaakiimtu dhib aad ubadan ayaa haysta dhinaca Baydhabo iyo Itoobiyaba.

Maxaakiimta haday adiga taageeri kaa helin magaari karaan guul, marka waa inaad la socotaan dhaqdhaqaaqa haraaga Barre Hiiraale iyo waxii weheliyaba aay ka wadaan gudaha kismaayo.

Sida aad lasocotaanba mareexaanku hal lug buu leeyahay marka had iyo gorba waa inuu helaa cid uu ku taagsado ilaa hal lug kuma istaagi karee.

Dardaraankuna waa indaad ka fajignaatiin cid kasta oo nolosheena iyo danteeba cadow ku ah.

Wabilaahi towfiiq

Qore Ugbad Cabdullaahi
E-mail; [email protected]





�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com