GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Sideeynta Ciid Daahir Faarax iyo xabsi kusii haynta Mahadi Ayuub maxay kuumujineysaa.? Qore Nuur Gacamey
Waxaan halkan ka salamaya dhaman uamda somalida ogadenia ee ku jirta gacanta gumeysiga Ethiopia waxaana ilaahay oga baryaay in uu ka qaado culeyska gumeysiga Ethiopia uu ku hayo oo runti ah mid waxaashnimo ah.

Hadi aan u soo daadago maqalkeyga oo aan rabo in aan kaga hadalo wx yaabo badan oo aay ogu horeyso cadaalada ka jirta maamul isku sheega hostage gumeysiga Ethiopia ee loo yaqaaano kilil 5.

Waxaa hadi iyo jeer ka dhacaa xaad gudub loo keysto bini adamka oo waliba lagu tuunto xuquuqda uu leyaay qofka bini adamka ihi hadi aan eegno tacadiyadi u danbeyaay ee ka dhacaa wadanka oadenia ee aay u keysten gumeysiga Ethiopia iyo kuwa u adeega waxaad arkeysa in aan ka badan yihin boqolaal dhacdooyin.

Waxaan raba in aan aan halkan ku xuuso waxa manta ka socoda magaalo madaxda magalada JigJiga waxaa xabsiyada magalada jigjiga ku jira dad bdan oo runti aan helin wax sharci ah oo la hor geeyo oo iskaga jira xabsiyda cidanka iyo kuwa kililka. Hada waxaan rabaa in aan halkan ku suxo sababta ninka umada somalida ogadeni danbiga kagalay loga sidayaay xabsiga ninka aan wax danbi ah dad iyo dalbana ka galena lagu hayo xabsiga ila hada wax kalifaya.

Ciid Daahir Faarax waxuu ahaan jiray madaxweynaha si maamulka somalida ogadenia halka oo uu mudo badan ka ahaa madaxweyne runtina uu ka galaay dad iyo dalba danbi aad u badan mid dhanka xuququl adamiga ah iyo waliba mid dhanka musuqmaasuq ah.

Marki xilka laga qaaday Ciid Daahir waxuu dalka oga cararay danbiga uu galay dartiis danbiyada cad ee lagu hayona waxaa ka mid ah ku waaan soo socoda.

1- Waxaa xabsi ku yala xafada qabale 4 ama xafad afarad ee magalada jigjiga laga hellay 7 nin oo ka soo jeeda beesha absame meydkood marki badhitan lagu sameyaayna waxa caadatay in uu ka danbeyaay dilkod mudane Ciid Daahir Faarax

2- Waxaa iyaduna jirta lacag dhan 2 millon birr oo Ciid Daahir uu ku lun saday in tii u yahay xilka waliba lacagta waxaa soo qoratay gabar jaad gada bal fir 2 milyon bir ayaa waxaa ku soo dalacday gabar jaad ku gadaa magalada jigjiga oo lagu magacabo Suhuura ama Sugra

Runti danbiyada uu Ciid Daahir Faarax ka galay umada somalida ogadenia ee dagta Ethiopia wax aan soo koobi karno ma ahaa. Hase yeeshee waxaan halkan raba in aan idin ku sheeego ninka intaaso danbi ah ka galaay umada
somalida ogadeni ama Somaligalbeedba in uu manta ku raaxeysanayo magalada jigjiga. Halka uu muwaadinka Mahadi Ayuub oo waliba ah oday da ah kaga jiro xabsi aan daryeelkisu ficneyn.

Hadaba waxaan rabaa in aan halkan ku xuso Mahadi Ayuub waa nin side ah;

Mudane Mahadi Ayuub waa nin u dhashay wadanka somalida ogadeni halka Ciid Daahir Faarax uu ku dhashay magalada hargeysa. Mahadi Ayuub waa nin runti la soo shaqeyay dawladihi hore ee ka talinayaay wadanka Ethiopia waligina aan lagu arkin wax umada somalida ogadeia qadiyadeeda wax udhiimaya, waana ninki ka diray ama ka dagalamay dhibatadi uu ku yahay umada Ciid Daahir Faarax kana tuuray meesh halka uu cabdullahi
luuqbuur oga ahaa kuxigeynka Ciid Daahir oo uu walib aku qaanacasana sid a uu wax u waado.

Hadi aan wax yar ka sheeeko wax yaba inta badan lagu xasuusto mudane Mahadi Ayuub ayaa waxaa ka mid ah dhacado ka dhacaaday gobalka wardheeer xili uu ka ahaa gudomiye waana xiligi uu ka talin jiray wadanka Ethiopia mingistu. Waxaa dhacaday in gabar somalida ogadenia ah uu nin axmar ah ku kufsado garoonka kubada caagta ee magaalada Wardher, markiba waxaa loo sheegay mudani Mahadi Ayuub waxa dhacay waxuuna isla markiiba amar ku bixiyay in ninka la soo qabto, hadi kale in uu shaqada ka tagayo waxaa dhacaday in ninki la soo qabto iska meeshi uu gabadha ku kufsadayna lagu toogto.

Marka waxaa is weydin leh cadalada taala jigjiga ma mida mahadi oo muwadan Somalida Ogadenia ah jeelka ku hayneysa mise waa mida nin aan uba dhalanin wadanka Somalida Ogadenia xornimo uu bananaanka ku jooga isagoo danbile ah.

Waxaan kusoo gaba gabeynaya maqaalkeygan in aan arkan umada somalida ogadenia ee manta aminsan in wadanki aay ka jiran cadaalad inaba wax ka jiraaba usan jirin umada somalida ogadenia waxaan kula talinayaa inay garab is tagaan xogaag xornimo doonka ah

Dhinaca kale qormadan ma ahaa mid ka turjumeysa uruur ama koox waa mid aniga igu kooban waxaana halkan mahad baladhan oga Celina shacabka somalida ogadenia eee geesiga ah.

Qore Nuur Gacamey
E-mail; [email protected]



NB: Godeynews masuul kama aho arigtada qoraalkan. Balse waxay katurjumaysaa arigtada qoraaga kusixiixan. Hadii aad hayso qoraal u baahan in la daabaco kusoo dir [email protected].

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com