GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
GABAY: Waxaan ugu jawaabayaa ninkii usoo jawaabay gabaygii Abshir Bacadle ee kusaabsanaa qabsashada magaalada Kismaayo. By Cabdi Galadiid
Gabaygan waxaan oogu jawaabayaa gabay nin sheegtay inuu yahay beesha/Mareexaan uu usoo tiriyay gabaygii Abshir Bacadle katiriyay qabsashadii midowga maxaakiimtu ay kuqbsadeen magaalada Kismaayo.


Madoonayn inaan dood ufuro duulal jaanadaye
Madoonayn inaan dalab larido daadku nimu qaaday
Madoonayn durgaantiyo inaan diirta muranaaye
Madoonayn nin aan diin lahayn inaan daneeyaye
Dameerkiyo mareexaan marabin inaan ladeel qaado

Abshirbaase deelkii furoo riday dabkiisiiye
Asagaan danbaabsheeginoo daahay xeradiiye
Asagaa digniin culus baxshoo cidina diidayne
Markuu gabayga deel ooga dhigay waan ku diirsadaye
Runta uu ku daahaan kalgacal oo la deexsadaye

Ragbaasa duday sidii habar ladilay oo dam laga siiyay
Dan qaloocan ayagaa watoon hadalka deel qaadin
Mareexaan hadaad dooror hore booli dubanaysay
Xaaraan daldaladkii hadaad mooday danahaaga
Dalka kii lahaaba helooy dayradii tahaye
Iska daa damaacigan xuneen cidina doonaynin

Dalku waa dalkaygii haduud diir kugubanayso
Dadkuna waa dadkaygii haduu damucu kaaraacay
Maah maahda doorka ah inaan diidno ma ahayne
Doqonyahay damlayn dayr rakale laguma sii daaho
Waxaad waayo duugtaba nin laa daar isugu gaysan

Ogaadeen waxbadan buu dulmigu waayo daashadaye
Danta guud waxbadanbuu lahaa yaan la dabar gooynin
Wax dhanbay wanag daydayeen oo ladayi waayay
Dulqaadkayga waa waxaad carada ugu dulbood booday
Diir wanaagu waa waxaad dulmiga ugu dubaaxooday
Dabeecadayda doorka ah adaa dayr lagali waayay

Doqon ma,ah ogaadeen hadaadan been dudubinayne
Haduuse doqon ahaa iyo haduu waayo dalandoolay
Maantaa dib loo soo kocoon cidina diidayne
Maantaa dalkaygii wacnaa daawo looheliye
Maantaan dugaag iyo malaal kala dilaalayne

Daaroodka aad sheegiyeed dacaladow saydhay
Dulmi iyo dilmooyee wanaag iima daban daabshin
Ku dinaahsha mooye darkale mayna doloc saarin
Dariiqaan furaba sodigii dayrka adag saaray
Kuwi dubay absama kuumadaha adiga yaa doontay
Duligiyo axmarada adaa daba gablaynaaya
Adaa dumarka siiyoo ku dilay dunida soomaali
Maantana adaa daba gablayn gala dabaqlayda
soomaali waxay diiday sow adu madoonaysid

Hawiyuhu dantiisuu gartee maxaad udaandaansan
Dad wanaagsan weeyee maxaad oogu dagamlayni
Axmaariyo wixii dabagalay dacal utuureene
Waxaad adigu daba rooribay diiday yidhaah deene
Dulmi hore wixii dhacay anoon dib ugu sii laaban
Maantaba dariiqii alay daya yidhaah deene
Oo diintii ilaahbay dheheen yaan la dabargooynin

Waadiga daroor yamahayee dogob garaacaaya
Daaroodka sidii deel quraan haygu daba qaadin
Markaad ubadka dooxaysayed damalka saaraysay
Odayada duqoobiyo markaad dumarka laynaysay
Dadkoo idil markaad wada dubteed duhurka ruugaysay
Dubku kuma xanuunay markaa damug kasiinaysay

Wakhtigaa idaban daabshayee imaada diideene
Dabaa igu shidnaayee dugaag imada dooxdeene
Duligiyo doofaarkuba waxay igu dul qaylyaanba
Dadba nimaan aqoon hadal wuxuu igu dul saaraaba
Taariikhda aan door ahaa wixi ladiidaaba
Aniguna waxaan daa lahaa waysasoo dayane
Daganaantu dahabweeye ee waxaan dulqaataaba
Dhalashada lawada diidanyahay waxaan udoodaaba
Dugaagiyo waraabaha ninkii daawa uguyeedha
Asagaa kudaaliye dugaag daris wanaag diidye

Maantaba lakala doogsayee yaan la dacaroonin
Absamuhu dalkiisii helyee yaan la daran jiidhin
Dulqaadkii dhamaayee dadyohow yaan dam lagu siinin
Jubadana ninkii dool kuyimid hayska dalan doolo
Dariskana madiidnee wanag aan kuwada daaqno
Hadii kale waxaad daydaydaad dib uga sheekayni



Tixda gabaygan waxaa soo tiriyay;
Cabdi Galadiid
E-mail; [email protected]

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com