|
|
Hangaraarac luug uma dhutiyo. Qore Nuur Gacamey
|
Waxaan halkan ka salaamaya dhaman umada somaliyada ogadenia ee ku jirta gumeysiga Ethiopia waxaana ilaahay oga baryaay in uu ka saaro dhibka haysta eee waxaashnimada ah.
Hadi aan u soo dhaadhaco qormadeydan oo aan rabo in aan kaga hadalo halganka kajira manta wadanka somalida ogadenia runti maraya meel aad iyo aad u fican. Hadaba waxaan ciwaan oga dhigan qormadeydan "Hangaraaraca lug oma dhutiyo" runti qofka garanaya waxaa u yahay hangaraaraca uu dareemi kara in hadi aay hal lug ka godo in uu iska socon karo.
Halganka umada somalida ogadenia waxuu so maray mar xalaado badan oo runti aad iyo aad u adka marki aan eegno waxii aan soo dhaafnay hadaba waxaa isweydin mudan halganka manta jira ma mid qof iyo labo ku dhisan ba mise waa mid ku dhisan umada somalida ogadenia ee geesiyinta ah.
Waxaan rabaa in aa dadka u caadeyo in manta halganku uuu ka madaxa banaanaday in uu qof sheegto ama kooxi aay sheekato runtina waxaa jirtay waqtiyo badan oo raag hada ku jira ururka onlf aay dadka laabta u garaaci jireen sidi iyaago halganka iska leh midana waa dhamaatay.
Hadi manta uu isaa soo dhibay suldan adan yusuuf taani runti wax aay ka badaleyso halganka manta jira ma jiro hadi aan eegno suldan aadan yusuuf taani waxuu ahaa nin runti aad iyo aad aay ogu dheertay wadaninimadu oo runtina dadku aay aad iyo aad u jacel yihin laakin waxaan rabaa in aan halgan ku xuso arin yar oo runti mudan in la xuuso.
Hadi aan eegno meesh u manta tagan yahay adan yusuuf taani waa halki uu taagna sadam xussen oo runti ahaa nin aay dadku aad iyo aad u jacel oo dadku aay ku tilmaami jireen nin waadani ah hadanna waxuu taariikhdi sii wanaagsaneyd ku soo xiran runti si aan u qalmin oo aad iyo aad u xun.
Sababtoo ah isaga oo haysta 2 qori oo waliba ku waa daran dooriga o dhacaa ah ayuu is dhibay meesh aay labadisi wiil ku dhinteen jihaad waliba aay isla goobti aay ku dileen cadawo farabadan runtina aay taarikhdana ka galeen bal dahaab ah halga oo isaguna taarikhdisi ficneeyd ku so xiray in uu bal mugdi ah ka galo.
Hadaba adan yusuf taani runti waxuu noqotay sadam xussenki reer ogadenia Mida kale waxaan raba in aan umada somalida ogadenia u sheego mid yar oo runti muhiim ah mida soo ah halganka umada reer ogadenia ma ahaa mid aay koox ama shaaqsi gar ah isaa siin karo runtina waxaad mooda raag badan ooo ku jira onlf in aay aminsan yihin in aay halganka iska leyihin iyagu sida doollaal iyo adan yusuf taaniba iyo waliba cabdullahi muxumed sacadi oo isagu aminsan in uu ilaa hada yahay madaxweynaha reer ogadenia. Runti halganku waxuu soo maray xili aay dad gar ihi laabta u garacaan dadka intooda kale oo aay sheegtan in aay waxaanba iyagu leeyihin mida waa isku dhamaatay marka manta halganka waxaa majaraha u hayaa umada somalida ogadenia oo runti aay ka go aan tahay in aan iyagu is maamulaan doollaal iyo adan yusuf taaniba iyo waliba cabdullahi muxumed sacadi oo isagu aminsan in uu ilaa hada yahay madaxweynaha reer ogadenia Waxaaan halkan ka cadeynaya in qormadan aay aniga igu gaar tahay oo aynaan ka turjumin kox ama uruur midanaba.
Madasanidin, Qore: Nuur Gacamey E-mail: [email protected]
NB: Godeynews masuul kama aho rayiga meesha kuqoran ee waxu katurjumayaa arigatada qoraaga kusaxiixan. Hase yeeshe hadaad hayso qoraal u baahan in lagu daabaco waad soo diri kartaa adigoo isticmaalaya; [email protected].
|
|
|
|
|
|
 

|