GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Talo siin Dadweynaha reer Puntland. Qore Cali Jaamac Cali
Anigoo ah Cali Jamac Cali kana soo jeeda degaanka puntland,waxaa ii muuqata taariikh modow oo ay galeen dadka reer puntland kadib markii siyaasadooda uu garwadeenka ka yahay col.cabdullahi yusuf ay xulufo siyaasadeed ka dhigateen inta xun sida Itoobiya, Cabdiqaybdiid, Maxamed Dheere, Barre Hiiraale, Qanyare iyo wixii la mid ah.

Dhamaan dadkaas waxaa lagu maalgeliyaa canshuurta ay bixiyaan dadka reer puntland gaar ahaan dekeda boosaaso,waxaa ka sii daran baahida dhaqaale ee ay qabaan dadka reer puntland, macalimiinta iskuulka caruurtooda u dhigta mushahar ma leh, dhakhtarku mushahar maleh, boolisku mushahar ma leh, wadooyinku dayactir ma leh, dekedu dayactir ma leh.

Dadka reer puntland iyagoo intaas oo og bay raali ka noqdeen in canshuurtooda la siiyo cabdiqaybdiid oo taariikhdu ogtahay wuxuu gaalkacayo ka sameeyay iyo Bare Hiiraale oo dadka reer waamo ay sheegeen in uu uga xumaa gumaysiigii talyaaniga iyo wax kasta oo soo marey.

Waxaa kasii daran marka dadka reer puntland sheekeynayaan waxaa u muuqda dadka kale falkooda xun, wixii iyagu aysan sameynayn waa wax xun, hadii aysan tani jirin maxay u dugsanayaan ceebta ay dhex fadhiyaan.

Ugu Dambeyn Talo:

Hadii ay jiraan dad reer puntland ah oo diin leh, dareen leh, somalinimo leh,
garasho leh waa in ay wax ka qabtaan siyaasada lagu maamulo puntland oo u muuqata mid u adeegta inta xun, dadka reer puntland ha is waydiiyeen haba yaratee danay kuqabaan jiritaanka maamul goboleedka puntland oo u muuqda dukaan ay leeyihiin cabdullahi yusuf, Cade Muuse oo u adeega cabdullahi iyo qoysaskooda.

Waa inaad joojisaan canshuurta aad bixisaan oo loo adeegsado dhibaateynta dalka iyo dadka soomaaliyeed iyo weliba laf ahaantiina sababtoo ah puntland waxay noqotay shaqsiyaad gaar ah iyo qoysaskooda.

Waa inaad maamul islaami ah oo dadkii diinta yaqaan ay qarwadeen ka yihiin aad ku dhawaaqdaan.

Waa inaad mooryaanta ay Cade iyo cabdullahi abuureen oo qoysaskiina ka tirsan oo masuuliyada maqaarsaarka ah la saarey aad ka xoreysaan ummadiina, aydana u arag kuwa idinka dan idiin ah, waxay la mid yihiin kuwii gumeysigu qoran jirey si ay ugu adeegaan, dadkana ugu tusaan dad iyaga ahi in uu wadanka wax ka maamulo.

Dadka maamula puntland ma ku aragtaan qof diin leh, aqoon leh, garasho leh, damiir leh, waxa xun oo aad dugsaneysaan bal hoos u eega, hadii aad kuwaas wax dhaama waydaan allaha idin uruursho.

Qore: Cali Jaamac Cali"
E-mail; [email protected]






�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com