GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
BAYDHABO WAA LA XOREYNI. Qore: A. M. Yusuf
Waayo aragnimo aan u leeyahay jabhad-ku-sheegtii SSDF iyo Cabdullaahi Yuusuf ayaa maanta iga hadalsiinaysa. Xildhibaannada ay weli ku sii harsan tahay Soomaalinimada waxa aan digniin ku siin lahaa in ay dhaqse uga tagaan magaalada Baydhabo; kuwooda haatan ka maqan na in ayan dib ugu laaban. Handadaad ma aha warkaygu; bal se waa waano waayeel haddii ay jirto weli dheg i maqleyso.

Saldhiggii xeerarkii SSDF waxa ka mid ahaan jirtay in la miidaamiyo ciddii
mucaarad ah oo idil. Xeerkaas isaga ahaa na, rag badan ayaa lagu cabbay
dhiiggoodii. Hadda oo uu ina Yey naftiisii la harjadayo, ha ka labalabeyn inta
aan uu dhiman kahor, xildhibaannada qaarkood in uu xawaalaha ku sii hubsan doono. Ka carara inta ay weli goori goor tahay! Xil iga ma saarna in aan u digo ragga ay ka mid yihiin Md Cali Maxamed Geeddi, Md Shariif Xasan Sheekh Adan, Md Maxamed Ibraahim Xaabsade ... iyo kuwo kale badan oo la halmaala.

Shaki yar iigama jiro in mardhow isqaarijin ay Baydhabo ka billaaban doonto. Weriyeyaasha Tigrooniga ka qaaday sawirrada ku quusqaata. Waagii xildhibaannadu si gobannimo leh ay niiq u oran jireen; kaas gabalkiisii bilo kahor ayuu dhacay. Cabdullaahi Yuusuf baan idiin aqaan!

Goballada BAY IYO BAKOOL waxa lahaan jiray dad Soomaaliyeed oo Muslim ah. Haatan ka sheekeyn mayo sidii ay ku suurtagashay Culimadoodii, caamadoodii, halyeyadoodii, magaalooyinkoodii, degmooyinkoodii, iyo tuulooyinkoodii in ay ku hoo saxariiraan talada jawrfaleen waalan oo weliba na ka soohorjeeda Ilaaha iyo diinta ay Muslimiintu aaminsan yihiin.

Gacalkayow, adiga ayaan ku weydiin lahaa: sidee manexe Cabdullaahi Yuusuf oo kale ah uu ugu dhex yeeshay awood intaa la'eg, mid uu u adeegsado mooyaane in uu iyaga ku waxyeelleeyo? Maxay ugu sii muujinayaan dulqaadka iyo okkobbanaan sidaas oo kale u weyn, taasoo ku keeni doonto in ay dumiso guryahooda, la bililiqeysto hantidooda, la kufsado dumarkooda, lagu wiiqo qarankooda, lagu na tirtiro caqiiddadooda? Waa arrin la yaab leh!

Hal tayo oo qura ma jirto, taasoo loogu dawaawixi karo fulayga ina Yey la
yiraahdo iyo dowlad-ku-sheegtiisa?

Ma dulliga, dulmiga, iyo mooroduugnimada sokeeyaha ayay ku jeclaadeen?

Ma talo Tigrooni, talo dagaalooge, iyo talada daydaygii gobolkii Bari ayay ka
doorbidayaan diintii Nebi Maxammad? Waa maya!

Habisadu maxay tahay, haddaa? Ma waxa ay iska sii suganayeen inta Tigroonigu dhammaantood uu harqood ku wada xirxiro?

Haddii se ay ka dhursugayeen in shaydaanka jeer uun laga adkaan lahaa,
sheekhyadoodii na ay jeer uun soo dhoweyn lahaayeen: waqtigii waa uu soo galay!

Qofkii aan taagteeda lahayn in uu diriro: meel kale uga sii bax Bay iyo
Bakool! Bay iyo Bakool, goordhow, waa laga xoreyn doonaa Amxaarada!

Hase yeeshee, ha illoobin in aad u soo duceysid walaalkaaga Muslimka ah ee
naftiisa u huri doono gobnimadaada--Ilaahay uga tuug: "guul xaggiisa uga
timadda iyo furitaan dhow"! Aamiin! Aamiin! Aamiin!

Qore: A. M. Yusuf
E-mail; [email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.



�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com