GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Xabashida Oo Ka Qeyb Gashay Qaybsigii Afrika by Haldhaa. Qore Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa�
Markii Afrika la qaybsanayay ee ay reer Yurub qaybsanayeen waxaa qaybtaas wax ka qaattay oo gob joog ka ahaa Xabashida oo uu markaas boqor u ahaa Menilik. Kaasina wuxuu ahaa danbigii ugu waynaa ee ay Xabashidu ka galeen dawladaha qaaradda Afrika.

Waxayna ahaayeen waddanka kaliya ee u bareeray inay hilbihii Afrika ee ay cadawga reer Yurub cunayeen wax ka cunaan.

Waxaase aan aad iyo aad ula yaabay in xarunta ururka midoowga Afrika laga dhigo waddan ka qayb qaatay qaybsashadii iyo gumaysigii Afrika. Waxaaba taas kaba sii daran hadda ayay wali gumaystaan qoowmiyado Afrikaan ah oo ay Soomaali-galbeed (Ogaden) ka midtahay. Haddaba waxaa fiican i waddamada Afrikaanka ah ay arrintaas aad uga fiirsadaan, oo ay ogaadaan inay Xabashidu yihiin cadawga Afrikaanka.

Waxaan aad ula yabaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha soomaaliyeed ee xabashida ka sugaaya taageero iyo wanaag. Waxaan marnaba suurto gal ahayn inay Xabashidu ka shaqeeyaan wanaagga iyo nabadda umadaha Afrikaanka ah dhammaantood, gaar ahaana ummadda Soomaaliyeed. Waxaan qormadaydan yar kusoo gabagabeynayaa tuducyo ka mida gabeygii Dhoodaan ee ahaa Tusaale;-

Rag hal taa ah toodii ka dhiga ama takooraaya
Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero
Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin u jeeda
Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo

Maska iligta kugu tiifayee kaa turquday dhiigu
Tashaq micida kaa tidhi ileen kaaga turi maayo
Nimaan teerigaagiyo jeclayn toori aad xidhato
Tunbukh iyo ileen kuma yidhaa tobanle yaal iibso

Tukashada iblays kaa duwiyo toobadkeenimadu
Ma taqaanid mooyee ileen kheyr ma taban taabsho
Indha lagu turbaayaa ileen tuug iskama dhowrin

Mohamed-Deeq Abdimadar �Haldhaa�
Qoraa iyo saxafi Soomaaliyeed, Borl�nge, Sweden.
[email protected]
-----------------------------------------------
NB: Godeynews waxay soo dhaweynaysaa rayiga akhrisyaasha. Hase yeeshee masuul kama ah rayigooda.

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com