|
|
Dadkaaga oo aad leysaa darajo laguma gaadho Abdi Illeyow. Qore Nuur Gacamey
|
Marka hore waxaan halkan ka salamaya dhaman umada Soomaalida Ogaadenia ama ummada Somaligalbeed hadaba sida aad u taqaano waxaana ilaahay oga baryaay inuu kadulqaado ciqaabta haysata ee qangaadhka ah mida soo isugu jirta mid cadowga Ethiopia uu geesto iyo mid aay u geestan kuwa u adeega. Hadi aan u soo dhaadhaco maqaalkeygan ama qormadeydan oo aan rabo in aan kaga hadlo dhibatoyinka uu umada somalida ogadenia ku yahayo ninka hada ah Hogaanka Nabad-Galiyada Deegaanka Soomalida oo runti ah nin aan wax badan ka aqoon dhanqanka dadka Soomalida Ogaadeniya ama midka ethiopiaba.
Hadaba inta aanaan udhaadhicin qormadeyda Abdi Illey waa nin noocee ah;
1- Cabdi Illeey waa nin runti aan lahay aqoon buuxda oo uu ku heli karoo in uu kumuteeysto hogaanka nabad-galiyada deeganka marak aan eegno jagada uu hayo waa runti jagooyinka ogu muhiimsan ee dagaanka laga qabo runtina u bahaan qof aqoon leh oo aqoon dhanka cilmiga iyo waliba mida deegankaba leh runtina Abdi Illeey labada midna ma lahaa.
2- Mida labaadna waa nin aaminsan hadi uu dadkisa dhibo ama uu laayo in uu helaayo daraajo fican runtina uu waxaasoo dhan u sameynayo in ka helo dhanka cimadamda Ethiopia wax layidhaahado (goobaas )
Hadaba bal aan uu soo dhaadhaco ujeedad qormadadeydan oo ah inuusan Abdi illey ogeyn taariikhda kililka shanaad oo ah runti mid aan la isku haleyn karin marka aan eegno dhanka siyaasada deganka taaso ah mid aan hadiyo jeer daganeyn runtina waa waxaad mooda in uu iska dagaatirayo raagi ka horeyaay ee aad iyo aad ay u amaani jiren cimadada ethiopia meesha aay ku danbeyeen oo runtina manta qof walba oo masuulka noqoda deganka u ka dhigto cilmi si uu san umadisa oga galin wax danbi ah.
Sababtoo ah waxaanu runti wada ogsoonahay halki aay kuwada danbeyeen dadki ka soo qabtay xilaal kala duwan deganka somalida Ethiopia. Waxaa tuusaale u noqon karta abdi illey hadi u yahay qof wax garad ah arinti aay aad oga yaabeen dhamaan umada reer Ethiopia waa arinki uu sameyaay khadar macalin cali oo isagana loogu abaal guuday in xabsiga loo taxaabo marka laweydiyaay malas zanawina uu ku jawaabay (khadar duuruu sow naabaree) oo aay macnaa heedu yahay khadar nin fican ayuu ahaan jiray runtina waa dhaqan aay iskaleyihin dadka kasoo jeeda tigreegu in qofka inta aay danta ka leyihin aay kor uqadan marka aay ka dhameystan dantodana aay dhulka ku tuuranl Laaakin waxaa is weydin mudan dadka in aad dil iyo dhaca iyo bood iyo kufsi u horseedo maxay taariikhdad ku soo kordhineysa miyaay dadku kugu jacelanayaan,mise waay kugu nacayaan?
Hadaba hadi aan bal anigu isku dayo cawaaqib xumada ay leedahay in dadki aad ka dhalatay aad ku noqoto cadawgoda kobad dhibkeda horta dadka ku nolol degaanka Soomalida Ogaadeniya ma ahaa dad manta si toos ah oga hadli kara dhibka haystana waxaa u didaya in aan ka hadalan dhibato jirta. Taaso ah awood gumeysi oo ka xoog badan laakin waa dad ilaahay la jiro najiido xumida aay ledahay in aad dadkaga dhibto waxaa ka mid ah in uu kugu dhacoo cudur hada ay qabaan masuuliyinta degaanka oo dhan ama ninki mar xilkaqabtay deganka oo dhan kasoo la dhahoo buufis.
Cudurkaasna masuuliyinta deganka waxu kuhayaa faro kulul, kasoo xitaa u diida inay seexadaan guuryahood ku yala magaaloyinka ay joogan. Waxaad arkeysaa hadi aad magalada jigjiga tagto nin masuul ah oo habeen walba seexanaya hotelada ku yala jigjiga habeenba mid wax yaaba aay inta badan ka shakiyaan aay ogu badan yihin xaaskod iyo qarabadooda.
Marka bal firi ninka ka shakiyaay xaaskisu in aay cadow ku tahay miyaa wax dhibato ah u dhiman, runtna mida sii waxaay ku cadeyneysa hadi aad dadkaga danbi kagasho inaad arkeyso wax aad iyo aad ku dhiba inta danba gaarin ciqaabta alleh.
Hadaba waxaan filayaa in Abdi Illey oo manta dadkisa ku yahay gacan bir ah uu dareemo waxaa u sameynayo in aay tahay wax aay taariikhdu qoreyso oo aysan aheen wax la iska iloobi karo. Runtina waxaan oga digaya in uu aad iyo aad oga firsado waxuu hada kujiro. "Dadkaaga oo Leeysana Darajo Laguma Gaaro."
Waxaan halkan ku xusayaa in aay qormadan aniga igu gar tahay oo aynaan ka turjumeyninin koox ama uruur aad iyo aad ayaad u mahadsantihin dadka somaliyeed ee kutaxan maqaaladeyda.
Qore: Nuur Gacamey E-mail; [email protected]
NB: Godeynews masuul kamo aho aragtida qoraalkan ee waxay katurjumaysaa arigtada qoraaga kuqoran. Hadii aad hayso wax qoraal oo u baahan in lagu daabaco noogu soo dir [email protected]. |
|
|
|
|
|
 

|