GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Xasuuqa Jubooyinka & Xoogaga Shisheeye. Qore Maxamed Dhagax
Dowlad ku sheegta soomaaliyeed oo aay itoobiya ku soo dhisatay kenya, ayaa looga fadhiyay in eey howlo dib u heshiisiin ah ka bilowdo Soomaalida dhexdeeda si loo gaaro heshiis kama danbeeys ah oo Soomaalidii is dilaysay dhexmara, taasina ma ayaan dhicin.

Sababtoo ah waxa hogaanka qabtay dhagar qabayaal ku taamayay sida abwaankii soomaaliyeed uu sheegay (madaxweyne, madaxweyne kol uun i dhaha ee ).

Itoobiya oo ah isticmaar gardaro badan mar walbana helaysay taageerada masiixiyada ayaa waqti dheer dagaal kula jirtay Soomaalida oo eeysan waligeed u suurto galin in hamigeedu uu u fulo marka laga reebo dhulka Soomaalida Ogaadeenya oo uu gumeystaha reer galbeedka u gacma qabtay, nasiib darase maanta soomaaliya iyada ayaa ka talisa taasna waxa u sabab ah kuwan nolasha ku dhintay ee sheeganaya dowladnimada ( xoog
shisheeye xukuumad la guma noqdo )

Maxkamaduhu maxaa xaga cirka looga duqeyn waayay markii aay ku sugnaayeen Soomaaliya inteeda badan dagaalka qaraarna aay ku jebinayeen xabashida. Maxkamaduhu ma markii eey ku soo gurteen degmooyin ka tirsan J/Hoose ayey Al-Qaida noqdeen, deegaanka la
duqeynayo miyaan lagu nooleen oo aan la daganeen , ummaddaa shicibka ah ee dhibaatadu gaareeyso miyaysan xuquuq lahayn?.

Si su�aalahan jawaabtooda loo helo waa in dib loogu noqdaa hadalkii C/laahi yuusuf uu beeshiisa ku yiri ( hadii aan wax kale tari waayo Kismaayo ayaan idiin qabanayaa).

Kismaayo magaalo madaxda J/Hoose oo aay hoos yimaadaan 5 dagmo, habka hada dowlad kusheegta lagu wado ayaa ah waxa loogu yeero (federalism) the majority rules the minority, inta badan ayaa inta yar xukumeeysa. Dadka inta badan daga J/Hoose ayaa xaq u yeelanaya gacan ku heeynta iyo mamulka gobalka iyadoo minoratigana la tixgalinayo.

Hadaba arintan dad ayey u cuntami wayday, ku tilmaamida in argagixisa eey joogto deegaanadan ayaa ah ujeedada laga leeyahay in la xasuuqo dadka u badan deegaanadan, sidoo kalana soo galinta amxaarada la soo galiyay Soomaaliya ayaa laga leeyahay dan ah, itoobiya ha ii fuliso dantayda guracan oo uu qabiilkaygu fulin waayay.

Weeraradan dhibaatada badan u geestay dadka iyo deegaanka waa laga baaqsan karaa hadii wada hadal la furo ama ugu yaraan la badbaadin karaa maatada aan waxba galabsan. Nasiib darese maadaame kuwan iimaanka beelay oo aay madaxtinimadu madax martay ujeedadoodu tahay xasuuq beeleed waxay siiyeen warar khaldan sirdoonka maraykanka oo aay ku sheegeen in deegaanku qatar yahay oo aan fooda la galin karin.

Weeraradii xaga cirka ee lagu hayo deegaanadani wali wey socdaan, tiro badan oo dad shicib reer miyi ah ayaa la dilay, dhaawac badan ayaa jira, xoolo iyo hanti badan ayaa la xasuuqay, meeshii dadkaa gargaar lala gaari lahaa, waxan maqlaynaa hanbalyo loo dirayo dadka xasuuqan geestay taas oo muujinaysa ka raali ahaanshahooda.

Beesha Absame oo aay dhibaatadani si toos ah u taabanayso, waxa la gudboon in aay fahmaan in aay iyagu yihiin cida sida tooska ah loo bar tilmaameedsanayo, lana yimaadaan is ku duubni dinac walba ah, jaaliyadaha dibaduna gargaar la soo gaaraan dadkan dhibaataysan, xisaabtana uu yimaado marka xoogaga shisheeye ee la cuskanayo marka meesha aay ka baxaan.

Soomalidana waxaa la gudboon iy aay dagaal kala hortagaan wuxuushtan dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhaafsatay dulinimo in ta aay goori goor tahay, ka sokoow tirada iyo tayada ciidamada gumeysiga itoobiya waxa aay ku sugan yihiin ciid aayan lahayn oo ka hiilinaysa.


Qore. Maxamed dhagax
[email protected]

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com