|
|
GABAY: Maxamed Deeq "Haldhaa" oo tixdan gabayga ah ugu jawaabaya gabaygii Dr Cabdullaahi Spanish
|
Gabaygaa weyn ee Maxamed Deeq "Haldhaa" ayaa tixdan gabayga ah u tiriyay jawaab ku aadan gabay hore oo uu tiriyay ninka lagu magacaabo Dr Cabdullaahi Sapanish.
Cabdullaahi gabaygaad dirteed, duna gaarsiisay Dadka kale ha joogee aniga, wuu i daakhilayee Markii aan daalacday wadnuhu, wuu i doorsamayee
Dorraad shaliyo haddeer, daaro mana galinee Darintii la ii dhigay barkimo, diiday dhinaciiyee Sheekhyadu ku daakire sidaan, daal ku soojeeday
Dibnahayga dheef uma furoo, layba dacareeyee Dacaamkii la ii dhigay anaan, dooninoon rabinee Wax la dubiyo raashinkii, layba dacreeyee
Hadh dugsoon anigaan galinoo, daayay noloshiiyee Duhirkii baqoolaha intaan, doowga kor u qaaday Oon duurka xulay baan jar dheer siiba daadegayee
Dariiquba wuxuu ii ahaan, dowyo godod dheeree Qalbigay dillaacsamay markaan, dayay dhulkeeniiye Sida adi laguu daaray baan u danqanayaayee
Doofaarta raacdiyo axmaar, qoodhi daba taagay Ninkii aan ka durkin iblays, dabala� weeyaanee
Waxba diihaanyo ciil, dibnaha hays gooynin Duni waa wareegtaa sidii, damalka hooskiisee Nabsigii diinku sidayee, waayo soo daahay Maruubuu daf soo oranoo, daaha yuurariyee
Axmed gureey ragguu duuliyiyo, duubcadad jamani Sayidkiyo darwiishkuu sengaha, dookhu kuu tabayo Maruun bay ka daahiri arlada, doog sidiisiiyee
Maruunbaan diyaaradaha laliyo, miigyo soo diriyee Maruunbaan intaan xamar daf dhaho, aan ku daakiriye Dekaddii Markaadiyo marbaan, Jawhar soo degiyee
Da� yartiyo shabaabkiyo, wixii dumar haweenaada Sidii Darwiishkii intaan, duub cad wada siiyo Maruunbay dushaa uga dhici, daabbad orad weynee
Shanta kala dab raacdee, laysku dari waayay Maruunbuu Allaha daa�imkaa, isku soo duwiyee
Melazahaa dayuuska ahiyo, eeyda daba taagan Maruunbaan intaan dacay ka xiro, aan dullaysaniyee
Fanax durugtay Geedigaas lihiyo, doxorrayaashiisa Diinnaari Ina Yeey iyo, dowlad kuba sheegga Maruubaan intaan dabin u dhigo, ay ku daadaniyee
Dadka yaga rafaadsan ee, diilalyadu hayso Dhaxntiyo dabaylahaas, diifta uba yeelay Maruunbaan intaan dogob u shido, ay ku diirsaniye
Mohamed-Deeq Abadi-madar �Haldhaa� [email protected] --------------------------
*Doofaarta Raacdiyo Amxaar
Gabaygii abwaan Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamuud (Abdullahi Spanish)
Duq gaboobey goor ay hurdado, soo degdegiweydey Dirirkiyo haddii uu xidkaha, daawasho u aado Ama diillin-caanood saqdhexe, dawga socoteeyo
Inkastuu yaraan door ahaa, diiq bidhaansiguye Hadba meesha uu dayo haddii, ciiro yare daahdo Doobnimo la dhaafuu hammiga, dib u xasuustaaye
Aniguna sidii daran horweyn, waayo laga daahshey Ay dalawadii jeel murkaha, daafta marinweydey Oo dibir jidhaanliyo xareed, dooni aragooda
Axmed gurey raguu duuliyiyo, duubcad baan jamane Dabkii gurey xuseen iyo mataan, baygu soo duxiye Sayid iyo darwiish iyo sengaa, dookhu tebayaaye
Danabtii lahayd calangubiyo, faarax baan deyiye Digrigii bashiir iyo xarbaa, daahir ii noqone Xornimada kuwii loo deldeley, yaygu soo degiye
Sida hooyo door ay dhashiyo, saygi laga dooxay Oo digasho waartiyo xumaan, lagu dambaysiiyey Aan duudsigaa helay arkayn, cid u dadaalaysa
Dalkayagu ka oy labada gelin, diifta uu qabo e Waa kaa ilmada duugayoo, diilalyuu dhimane Darar iyo hadduu xoodh lahaa, waa dacgudhayaaye
Maatadan sidii kayn dab galay, ololku diiraayo Oo dawladay dhawrayeen, maanta dabar goysey Oo kii jidhkiisu u danqado, daalin lagu sheegi
Waa waxan damiirkiyo caqliga, nooga daadegine Ninka shalay adoogaa dilee, adi ku soo doontay U dulqaado waa ceeb hadaad, daawo leedahaye
Waa iga digniin ereyadaan, soo dawinayaaye Dakhar iyo intii uumiyaha, doog la kiciweydey Ama qolo dufowdoo xiskii, laga dabayl-raacshey
Ama calan la duuboo sidii, derinta loo laabay Ama dunida reer door ahaa, dabin ku aynfaadey Nin shisheeye soo daadahshaa, loogu dawgalay e
Qofka khaain daaniyo dhibkii, laga dahsooneeyey Oo waa danaystee u fili, diric walaalkiis ah Daabgudin ha fiirsado siduu, damal u naafeeyey
Onkod wuxu daryaamana afeef, diillin baw xigiye Dabka dhibicda soo raacayaa, daray la qiiqaaye Anna ararta waxan daaliyoba, dulucdu waa meele
Soomaali duugeed intuu, meel dayacan yaalo Ama dalow afkii lagu wadiyo, daaman gudohooda Uu doqon cadaawe u tashaa, dabarka qoolaayo
Marna toosa kama deynayiyo, weerka haw dagane Kol hadday daruurtii cusbayd, darab biyaynweydey Oo kaan cadaawe u dabnayn, duurka lagu toogtey
Oo diricyadeenii hawada, laga duqaynaayo Oo duunyadii laga meteley, ururo duulaan ah Aan degel fayow lagu ogayn, wabiyo daantooda
Inkastoo allaa daaimee, diifi nagu raagtey Aan xeer na deeqiyo samaan, cidina diidaynin Oo nabad duqodiyo wanaag, uunku wada dooni
Mar hadday dugaag keensadeen, duban carruurteena Oo diinta eebbiyo salliga, la isu diidaayo Oo talo intii door ahayd, xabashi loo daayey
Xaq la duugey feedhaa dambaa, laga dilaacshaaye Haadkii abraha loo dalbaday, yaa ku soo degiye Doofaarta raacdiyo amxaar, sow ka durug maaha?
Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish). Email: [email protected] |
|
|
|
|
|
 

|