|
|
ONLF Burburtee Yaa Badbaadin Kara? Qore Saahid A.
|
Anigoon hadalka ku dheeraanaynin malaynayana in ay arinkan kahadli doonaan dad badanoo Soomaalida Ogaadeenya ah rajaynaya in uu noqdo qodob si hufan looga hadlo.
Dhamaan waxaan shacabka reer Ogaadeenya DAL IYO DIBADBA ka dahsoonayn lagasoo bilaabo bishii JULY 2006 markii kala fadhigii golaha dhexe ee ONLF lagu qabtay gudaha Ogaadeenya kadibna gudoomiyaha jabhadu usha ladhex qaaday madaxdii jabhada 11 xubnoodna laga dhigay wax ururka laga saaro iyo wax xilkii laga qaado taas oo ururka dhexdiisiina kunoqotay waxaan la arkin oon lamaqlin dadkii SHACABKA ahaana ku noqotay ama kaag iyo afkala qaad;
1. marka waxaa is waydiin leh shirkii kadib xageebuu xaal marayaa?
Waxaan wada ognahay lagasoo bilaabo xiligaa kor ku xusan in ciidanka jwxo ee asagu iskii cadowgii uu ladagaalamayay isugu soo dhiibay yahay inta udhaxaysa 250-300 halka madaxdu kor u dhaafayso 8 jabhadiina ilaa maalitaas xaalkeedu noqday adhi dhurwaa ku dhex dhacayoo kale taas oo dadka ku cabira garashada dheer u arkaan geed sii dumaya had bana laan go,ayso wax ka dhacaya mooyee wax ku soo kor dhayana uusan jirin,
2. malagu khasaaray mise waa lagu faa,iidey?
Jawaabtoo gaaban haa waa lagu khasaaray waxaana markhaati u ah haduusan jirin mudo 8 bilood ah jwxo wax hoos uga dhacamooyee wax ku soo kor dhaaya sababna utahay talaabaduu gudoomiyuhu qaaday anigana dacaayad ama cadow kalkaal midna igama ah ee waxay iga tahay xanuunka iga haya burburka jwxo manta ubilowday 13 sano markay dagaalamayeen kadib ahaydna manta maalintuu halganku ugu wanaagsanaa,
3. hadii lagu faa,iidey xageebay maraysaa faa,iidadii?
Faa,iido hadalkeed daaye waxaa lagalay god madow oo dhamaan dadkii indhaha laysugu qabtay marqaatina unoqonaysa markii cadowga iyo in badan oo kamid ah shacabka reer ogaadeenya dhihi jireen isma maamuli karo oo micneheedu yahay umada ayada oo dagaal ku jirta cid walbana ay ku shaqaynayso iskaa wax uqabso oo uusan jirin ruuxna wax kagala mooyee wax asaga kasoo gala isu dulqaadan wayday ama wada shaqayn weydey mawada shaqayn karto markay dheef iyo hunguri yimaado waa maya,
4. hadii lagu khasaaray oo dhibaato horseeday maloo howl galay sidii xal looga gaadhi lahaa?
Ayada ooy madaxdii iyo ciidankiiba sii qul qulayaan ayaan waxaan jirin ilaa hada cid kawada hadashay taas oo aabo uyahay odayga oogu wayn jabhada micneheeduna u egyahay anigaa joogi hadaan joogi waayana la iiga danbaynmaayo waxaan ayaguna wax ficil ah kamuujiniin dhibaatadan taagan madaxda kale ee jabhada oo qaarkood markii hore iska dhigay dad daacad ah kadibna aad moodo in nin walba leeyahay meeshuu Maxamed Cumar ka galaan ka gali oo wadaninimadii meesha lagasaaray,
5. JWXO labo ma uqaybsantaa?
Jawaabtu waa maya laakiin manta waxay uqaybsantay labo gudihii iyo dibadiiba waxaan kawadaa labo jabhadood. Waxaa jira labo gudoomiye oo kala ah Maxamed Cumar iyo Maxamed Siraad Doolaal. Waxaa jira labo radio xoriyo oo labada garab ku kala hadlaan. Waxaa jira labo qasnadood oo lacagta lagu kala uruuriyo. Waxaa jirta labo hogaan dhaqaale Saalixudiin Mocow iyo Cibaado Xirsi Mahad. Waxaa jira in xubnuhu labadaa garan ku kala xidhanyihiin. Waxaa jira madaxdu in ay labadaa garab ku kala xidhantahay. Waxaa jira in ciidanka jabhadu labadaa ku kala xidhan yihiin.
Xaaladan oo markaad rogrogto kuu soo baxayso dariiqii halganadii hore ama kacdoonadii hore ee reerku ku soo bur buri jireen kana hayo kaasoo ah khilaaf kayimaada hogaanka sare haba ugu danbaysi WSLF IYO SPM kana manta wadadiibuu hayaa hadii dad daacad ah jiraana way badbaadi hadii kale waxay noqon taariikh waxayna maraysaa yaa mali jirayeey.
F.G: waxaan layaabay jabhada oo waagii hore halku dhageedu ahaa MITID MIDNIMO ISKUTASHI IYO GUUL ALAAHU AKBAR ALAAHU ayaa manta waxaa lagu badalay ISCADEE IYO INTA DAACADA AH!
Ra'yigan waxaa Godeynews soo gaarsiiyay Saahid A. E-mail: [email protected]
NB: Godeynews masuul kama aho aragtida qoraalka ee waxay katurjumaysaa midda qoraaga kusixiixan. |
|
|
|
|
|
 

|