GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
FAALLO: MAXAA LAGU XUSUUSAN DOONA DAGAALKII COBOLE ? Qore Abdi Habashi
Labadii todobaad ee u dambeeyey waxay qalabka warbaahinta caalamku aad u hadal hayeen dhulka Soomaaliyeed ee Ogaden.

Idaacado, wargeesyo, TV-yo iyo shabakadaha wararka ayaa aad uga sheekeeyey Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya. Hadal hayntaas waxaa keenay weerar ay jabhada ONLF la beegsatay goob laga baadhayey
shidaal oo ku dhaw tuulada Cobole oo 42km dhinca galbeed ka xigta Magaalada Dhagaxbuur.

Haddaba siyaabo kala duwan ayaa loo fasiray weerarka iyo khasaarihii ka dhashay.

Dawlada Itoobiya iyo Ismaamulka Jig-jiga ayaa markiiba ku tilmaamay XASUUQ loo gaystay dad shacab ah oo waxba aan galbsan iyaga oo ku tilmaamay JWXO urur argagixiso ah oo u adeega Eritareeya. Dhinca kale, jabhada ONLF ayaa ku tilmaamtay weerarka GUUL lagu naafeeyey cadowga oo lagu laayey ciidamo badan oo Itoobiyan ah oo gumaad ku hayey dadka shacabka ah.

Marka laga yimaado labada sheegasho ee jabhada iyo Itoobiya, ma jiraan warar madaxbanaan oo si dhab ah uga soo waramay dagaalkii Cobole.

Haddii laga tagi waayo, waxaa jira qof u soo waramay shabakada Somalistate.com oo sheegay in uu goob ka mid ah meelihhi dagaalku ka dhacay booqday islamarkaana uu arkay dad shacb ah oo jabhadu dishay iyo dhismayaal la burburiyey. Xaqiiqo ahaan, dad badan ayaa u arkaa shabakada Somalistate.com mid u shaqaysa Ismaamulka Jigjiga
sidaas darteed warkeeda shaki iyo madmadow ayaa gali kara xitaa hadii uu run yahay
!

MAXAY WARBAAHINTA CAALAMKU KA TIDHI DHACDADII COBOLE

Warbaahinta aduunku wax badan ayey ka shegeen dagaalkii Cobole. Inta badan waxa ay soo xigteen dad u hadlayey jabhada iyo Itoobiya. Haseyeeshe, waxaa aad muhiim u ahaa in laga hadlay taariikhda dalka iyo mashaakilada ka jira. Sidoo kale, waxa aad looga hadlay taariikhda ONLF iyo ujeedooyinkeeda.

Inta badan waxa ay warbaahintu qirtay in gobolka Ogaden yahay dhul balaadhan, fog oo aad u dambeeya. Waxaa u degaanku caan ku yahay abaaro iyo dagaalo u dhaxeeya jabhado iyo ciidamada Itoobiya oo heerkoodu oo aad u hooseeyo. Waxaa intaa dheer in laga hadlay khayradka gobolku leeyahay oo u gaasku ugu horeeyo.

Waxa ay dadku iswaydiinayaan sababta keentay in colaada Cobole ay soo jiidato warbaahinta dunida maadama ay goor kasta jiraan dagaalo u dhaxeeya jabhada iyo ciidamada Itoobiya. Waxaa jawaab gaaban noqon karta: SHIDAAL iyo SHISHEEYE !

Tartanka loogu jiro sidii loo heli lahaa shidaal aan ahayn ka Bariga-dhexe iyo
dilkii 9 Shiine ah ayaa ka miisaan batay dhamaan wixii dad ahaa ee ku dhintay ama dhaawacmay dagaalada u dhaxeeya Itoobiya iyo JWXO ee xiliga dheer socdey.

ARAGTIDA DADKA DEEGAANKA

Waxaa jira laba fikradood oo iska soo horjeeda oo ku wajahan dagaalkii Cobole:

Dad qaba in uu dagaalkani yahay mid loo baahan yahay islamrkaana ka dhigaya meelaha la weeraray bartilmaammedyo ciidameed. Fikirkani waxa uu ka duulaya dooda ah: Itoobiya iyada oo ku nool kaalmada reer galbeedka ayey xoog inagu haysata oo ina dulaysatay ee hadii ay inoo hesho daqaale ka soo baxay dalkeena xaalku sidan wuu ka sii darnaan oo waligeed inaga tagi mayso. Shidaalku waa dhibaato soo korodhay. Dhulka nabaad guuri, waxaa la xayari dhaqdhaqaa shacabka iyo xoolaha Wadanka waxaa laga dhigi xaruun ciidan si loo ilaaliyo shaqaalaha iyo goobaha shidaalka taaso sii adkayn dhibaatooyinkii horey u jiray.


2. Waxaa jira dad qaba aragtii taa ka duwan oo doodooda ku salaynaya:
Hadii shidaal la baadhayo ama la soo saarayo waa wax inaga inoo soo kordhay oo mar uun sida ayno rabno looga fa�idaysan doono. Shirkadaha shisheeye iyo shaqaalaha ajanabiga ah waa dad dalkeena iyo duruufteena nololeed wax ka ogaan kara islamarkaana u noqon kara taageero
qadiyada gobalka Khayraadka degaanka oo la ogaado waxa ay inaga dhigi kartaa goob muhiim ah oo ay daneeyaan wadamada xooga leh taas oo laga yaabo in ay soo dadajiso xalka mashaakilka Ogaden.

Ugu dambayn wixii wax-qabad uu muuqda haba yaraade waa in la soo dhaweeyo kadibna wax intaa ka badn sidii loo heli lahaa ha laga wada doodo.

Runtii, waa laba aragti oo caqli gal ah laakiin waa in la qadariyo mida dadku ay u badan yihiin. Si taas loo ogaado waxa ay u bahaan tahay darasad iyo xog dheeraad ah in la sameeyo.

DAD RAYID AH WAX MA LA YEELAY?

Ma jiro dagaal ka dhaca dunida oo aan dad shacab ah wax lagu yeelin. Waxa ay u egtahay in colaada ka jirta deegaanku ay masuul ka tahay dil iyo tacadi badan oo loo gaystay rayidka. Labada dhinac ee is-hayba uma tudhaan shacabka.

Dawlada Itoobiya waxaa ka ah siyaasad in dadka shacabka ah iyo jabhda la iska horkeeno. Si taasi ay u hirgasho waxa ay ciidamada dawladu adeegsadaan xeelado badan: shaqaalaha kililka oo lagu qasbo in ay dagaalamaan, gaadiidka shacabka iyo ka maamulka gobalka oo askartu adeegsato iyo beelaha oo lagu dhiirigaliyo in ay samaystaan maleeshiyaad ka hortaga ONLF.

Waa xaalad aad u qalafsan oo jabhadu aanay ka gudbi Karin.Sidadarteed, ma dhici karto in JWXO dagaal wado iyada oo uuna dadku xanuusan. Waaxse aad u xun marka ay jabhadu si ula kac ah bartilmaameed uga dhigato rayidka.

Lama haya tirada saxda ah ee Soomaalida ku dhimatay dagaalkii Cobole iyo sida ay u dhinteen. Waxaa lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 15 - 28 qof in ay ku dhinteen. Waxaa ku jira dadka dhintay shacab hubaysan oo gurmad aha iyo kuwa aan hubaysnaynba. Nasiibdaro, ma jirto cid baadhis dhab ah oo madaxbanaan samayn karta iyo cid lala xisaabtami karo hadii uu gaf jiro.

Waxaa ONLF dan u ah in samayso taxadar dheeraad ah si ay uga durugto dilka shacabka ay u halgamayso iyo in ay raali galin ka bixiso wixii si khalad ah u dhacay.

NATIIJADA WEERARKA

Marka dib loo eego sida dad badan ay u arkayeen jabhada waayadan dambe, weerarkani waxa uu u yahay ONLF iyo tageerayaasheeda guul. Waayo ? Waxaa waayadan la isla dhaxmarayey jabhadu way is-khilaaftay, waxa ay u galeen Itoobiya, Soomaaliya ayaa la qabsaday ee ONLF xagay gali iyo wax la mid ah.

Dadkii sii ku fikirayey iyo Itoobiyaba waa weerar lama filaan ah iyo ONLF oo dib u soo noolaatay!

Warbaahinta caalamka oo mar kale diirada saartay gobolka Ogaden iyo
dhibaatooyinka ka jira. Waxaa si gaar ah taariikhda iyo khariidada aduunka oo galay Cobole. Dhinca kale, waxaa marmarsiyo heli Itoobiya si ay u gumaado shacabka iyada oo ku gabanaysa la dagaalanka NABAD-DIIDKA.
Waxa ay cabsi horleh gali dadkii shisheeyaha ahaa ee doonayey in ay wax ka qabtaan ama ogaadaan xaalada iyo duruufaha dalka iyo dadkiisa
Waxaa soo oodmi mashaariicdii awalba gaabiska ahaa ee laga waday meelo ka mid ah deegaanka. Sidoo kale waxay cabsi iyo welwal gali dada dadwaynaha oo durba lagu bilaabay xidhay iyo hanjabaad.

XUSUUSTA WEERARKA

Ehalka iyo asxaabta dadkii ku dhintay, dhaawacmay ama waayahooda nololeed ay isku badaleen dagaalkii Cobole, dhinac kastaba ha ahaadeene, waa xusuus ay wahiliso walbahaar iyo murugo aanay ilaawi Karin. Sidoo kale, dawlada Itoobiya waxa ay u tahay taariikh madow iyo ceeb aan ka maydhmi Karin waayadan.

Dhinca kale, JWXO iyo tageerayaasheeda, waxa ay u tahay xusuus libineed oo lama filaan ah iyo dacaayad xaga saaxafada ah oo magaacooda dib u soo celisay.

F.G : Waxa aan soo dhawaynaya wixii war dheeraad ah ee ku saabsan dagaalkii Cobole iyo doodba ah in aan la wadaago akhristayaasha maqaalakan. Dhinca kale, wixii khalad ah ee aan galay ha la iga saxo ama cafiyo.

Qore:Abdi Habashi
E-mail;[email protected]

F.G: Qoraalkan waxuu katurjumaya arigtada qoraaga ee ma aho midda Godeynews.com

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com