|
|
Dhacdadii COBELLE waxaa lagu xusuustaa waxyaabahan soosocda!! Qore sayid ciiltire
|
1-Xasuuqii Rayidka ee Xinka iyo Xaasidnimada ahaa 2-Xumaanta iyo Xilkasnimo Daridda ONLF 3-Xishood laawayaashii ka hadlay ee Dadkay laayeen Xabashida ku tilmaamay Sida Maadaey,Gacamey iyo Cadaanni
Coballe ma aha meel aan ciddi lahayn waa meel Ciddii lahayd ay Joogto oon ciddina ka qaadi karin, mid ku soo duula, mid ku taageera iyo mid ku qosla toona.Xinka iyo Xaasidnimada lagula kacay Dadkaasna ma aha mid ay ku ilaawayaan si fudud, waa Dad Islaam ah oo ilaahay Dartii u samri kara, Waana Dad Geesiyaal ah oo la yaqaano oo Aarsan kara, lana hubo in aan Godobta iyo gardarada loo geysto lagu gam ayn.
Mana aha meel ay ONLF Wakiil ka tahay Dadkeeda iyo Deegaankeeda toona, kuna dhamaan maayaan weerar fulaynimo ah oo lagu soo qaado habeen iyo habeeno badantoona.
Coballe waa meel deegaan ahaan ay qawmiyadda Soomaaliyeed degto, waa meel aanay wax degaan ah ku lahayn qawmiyad kale, waa meel aan ahayn Saldhig ciidan ama aan lagu ogayn Xero ciidan Dawladeed.
Dadka degaa waa dad kalsooni Buuxda ku qaba Aaminaadooda iyo Aragtidooda, waa dad aan ka qarsanayn in ay horumarkooda u qabsanayaan sidii kasta ee la qummanaata, waa dad aanay hadafkooda ka leexin karin koox majara habawsan sida ONLF iyo Ciddii taageerta.
Waa Dad aanay waxba ka bedeli karin koox nabadiid ahi ,wixii ka dhintayna waa Wax alle u qoray, waxay ku dheganyihiina waa Aaminaadooda, nimay u deynayaan Horumarka deegaankooda ma jiro, ku meeshood waxyeeleeya iyo ku aan ku waxyeelayn midnaba.
Dadka loo gaystay waxyeelada ee deeggaankoodii inta loogu yimid Dadkoodiina la laayay, Deegaankoodiina la gubay, Hantidoodiina waxna la gubay, wax la dhacay, laguna tilmaamay in ay ahaayeen ciidan, way yaqaanaan waxay ku xusuusan iyo waxay ku jawabi labadaba.
Cidda leh lama oga tirada dadka ku dhimatay ee soomaalida ah waa dad aan Daacad ahayn oo u janjeedha dhinaca kooxda falka geysatay ee si gaar ah uga dhigatay bartilmaameed Beel Soomaaliyeed.
Way dhicikartaa dad daacad ah oo aan ogayn waxa meeshaa ka dhacay , oo idaacadaha uun ka maqlay, wararka beenta ah ee tilmaamaya in ciidan lagu laayay meeshaas ay sidaas u fahmaan, laakiin xaqiiqdu saas ma aha.
Xaqiiqdu waxay ahay in weerarkaas bartilmaameedkiisu ahaa in lagu waxyeeleeyo Horumarka Deegaanka iyo ciddii horseed u ahayd horumarintaas, taasna ma aha tu hakinaysa Hadafka Dadka deegaankaas u dhashay.
Ma doonayo in aan tilmaamo dheeraad ah ka bixiyo, oo waxaa bixindoona wakhtiga dhaw, iyo kan dheer.
Ciddii u haysta guul ay ONLF Gaadhay waa Cid Maqashay beentay sheegteen, iyo cid ka mid ah kuwaa fal dambiyeedka ka galay Dadkii deegaanka.
Ciddii u haysata in xasuuq loo gaystay dad aan waxba galabsanna waa Cidda Xaqiiqda iyo dhabta og. Saaxiibka ku tilmaamay Wariyihii Goobta tegay in uu yahay mid aan warkiisa la qaadan karin , waxaan odhan lahaa ku aad warkiisa qaadan kartaa maba tegi karo. Haddii kii tegay aadan qaadanayn warkiisa.
Haddii aad ku tilmaantay Somalistate mid u hadla Dawladda Deegaanka Qawmiyadda soomaaliyeedna Meel xun maadan dhigin. Warbaahintu inba meel bayka hadashaa una hadashaa, Haddaba shaki kuma jiro in xasuuq ba,an loo geystay Dad rayid ah ,oo Culimo leh, Aqoonyahano leh, caruur iyo ciroolaba leh.
Dad aan weligood qori cidna u qaadin in la xasuuqay oo loo geystay waxyeelo aysan mudan waa wax cad oo aan ciddna ka daahnayn, haddii aan runta la is garab marinayn oon beenta loo riyaaqayn Wixii halkaa ka dhacay wuxuu ahaa Xasuuq foolxun .
Waxaana ku jiray wiilashii la laayay kuwii Cuddurka Dabaysha in ay Caruurta ka daweeyaan u soo baxay ee dhakhaatiirta ahaa.
Gaadiidka la gubay ee ay ku jiraan Booyadihii Abaaraha Ka caawinayay kana soo saaray Xilliyo addag Dadka deegaankaas iyo xoolahooda. Kuwa Shiday iyaga oo garan in ay tahay Gaadiid shacbi oo caan ah Argagixiso miyaanay ahayn Ninka Diidi kara taas waa Kee?
Mishiinadda Biyaha ka soo Saara Ceelasha Biyaha ee Waraabiya Dadka deegaankaas , Xoolahooda, beerahooda iyo dad ahaantoodaba , Kuwa intay Dultageen arkay ee Gubay miyaanay argagixiso ahayn ninka diidi kara waa kee?
Beeraha ay Babaayga iyo Baradhadu ku yaaleen ma Baasuuke iyo BKM Ciidan Watay bay ahaayeen Ninka Gubay miyaanu argagixiso iyo xaasid ahayn Kumaa diidi kara Taa?
Farmasiiga dawadii la dhigay Dadku ay ku helayen Bilaashka ee beesadiisii uu ku dhisay baar Daacad ah Ninka gubay miyaanu ahayn Argagixso edeb daran Ninka diidi kara waa kee?
Guryihii ay Dhaxantiyo Bahlada ka galayeel Boqolaal Caruur ihi kuwa gubay iyaga oo garan miyaanay argagixiso ahayn waa kee ninka Diidi karataas?
Goyaashay huwanayeen agoomihii degaankaas Dugsiyada uu uga dhisay wiil daacad oo dubku uga danqaday saw kuwa ka qaatee Degta intay ku xidheen Digirtiina kaga shubtay, Waa kee ninka diidi kara kuwaasu inaysan ahayn gibanimodoon?
kabahay xidhnaayeen Agoomaday Hore u dileen aabayaashood iyagoo garan sawkuwa kala baxay ,Waa kee ninka diidi kara taas?
Xusuustoodu waxay tahay
1- Xumaantii iyo xaasadnimadu keentay coballe Xisaabtan baa ka danbayn
2-Xaqdaradii Xasuuqii Dhacay Xukun laysku qaadiyo Xadhig adagbaa ka danbayn
3- Xufaadii Quraankee ku dhimatay Xasuuqaa Janno xariir ahaa u dambayn
Guryihii ,Gadiidka iyo Beerihii la gubay Geesiyaashii lahaa weli goobtii way joogaan iyagoo ka quruxsan kana adag kana tayo fiican ayaa Dib loo Habayn, lana daawan doonaa.
Dareenka Dadku waa laba
1. Dad Dareenkoodu Qiimeeyo wixii ay maqlaan am arkaan ka dibna Xaqiiqda ku hela si quman iyo qiimayn sax ah iyo
2. Kuwo Caadifad iyo taageeranimo la qiirooda oo aan waxba hubsan xataa haddii hooyadood tahay waxa la dilay , kuwaas oo sida fardaha la yidhaado Baala Gaadhiga ay labada dhinac kaga xidhantahay wax ka qariya Haadadka kale. Dareenkii wanaagsani wuu arkaa in aan Xabashi iyo Tigree midna lagu socon ee La diidanyahay Horumarka iyo Hanaanka wanaagsan ee Deegaankaas ka hirgalay.
Caddaani Haddii uu Tigree la dagaalamayo Wuu arkaa Saldhigyada ku yaala dhannaan, Dadka reer dhannaan ee ilma adeeradii ku jiraana Go,aanka Horumarinta ee ay Qaateen wuu taageersan yahay.
garbo ma aynan xumayn caddaani oo Abtiyadii siday u soo koriyeen waa la yaqaannaa ee abaal ma leh ina Ruqiya Dhuubo.
Gacameey (Waa ina Siraad Doolaal) Wuu arkaa Saldhigyada Ciidamada ee ku yaala shaygoosh iyo Hareeraheeda , haddaba wuu taageersan yahay horumarka reer shaygoosh ee wuxuu diidan yahay Horumarka Deeganada kale .
Maadeey, Waamo Waxba wuu ka soo waayay SPM way iska eriday Markay aragtay Khayaamadiisa iyo Mardabadiisa ee ma Cobaluu ka noqon dilaal iyo deegaanka Qawmiyadda soomaaliyeed Waa habeen Xalay tagay in uu dilaal ka noqdo garbo, Gunagado, Sandhoore, magaalo cad iyo coballe idaylkeed.
Gaaska jeexdin ee laga sameeyay warshadihii sifaynayay Dhebrasyd iyo bahradaar ama meelo kale oo ka fog Doolaal ,caddaani iyo maaday kama ay xummaanin ee waxay ka hadleen oo ay ka xumadeen Coballe Mashaariicdeeda Beeraha iyo ceelasheeda Shiidaalka.
Xaasidnimo iyo Xin in ay tahay Halkaas ha ka garto ruuxii rabaa inuu fahmo xeesha kooxdani ku hawl gasho.
Beentu Way Hadhi Runtuna way Jiri.
Qore: sayid ciiltire [email protected]
F.G: Godeynews masuul kamo aho fikradda meesha kuqoran ee waxay katurjumaysaa arigtada qoraaga kor kuqoran. |
|
|
|
|
|
 

|