GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
Ninka dumini ONLF ee xeerka daba maray yaan ugu dacwoonaa?
Waxaa halkan idiinku soo gudbin jiifta yar oo 45 su�aalood kuna saabsan qaabkay wax usocdaan ururka ONLF dhexdiisa kaas ood moodo in uu hayo wado khaldan ciwaanka jiiftadana waa ka kore

1.Halgankii ladoonee dadka loogu yeedhee daawadayda lagu rabay ninka raba inuu diro yaan uga dacwoonaa?

2.balantuu dadkii galay ninka dadabta uga guday wuxuu dooni yaa garan?

3.xornimadii ladoonee dadkaygii ubaaba�ay dayr shisheeye kaa dhigay danbigiisa yaan uga dacwoonaa?

4.dadkii oo dagaalami duligiyo wayaanaha ninka hoosta uga dusay dulucdiisu maxay tahay? Yaanse uga dacwoonaa?

5.wixii aan ladirireen dadka ooga digijiray ninka doonayee diidaynin waa kee ? yaanse uga dacwoonaa?(qabiil)

6.doorashadii xaqa ahayd ninka diidan wuxuu dooni yaa garan?

7.mintid iyo midnimadii ninka diidanee kala daadin dariskii muxuu doonayaa?

8.duulaankan baasee dadka kala diraayee daawada ahayn muxuu uga danleeyahay?

9.diiwanadii dadka kala hagaayee daawada ahaa ninkan diidan wuxuu dooni yaa garan ?

10.ninkan haybta didinee daydayn qabiilkii yaan oga dacwoonaa?

11.isku duubnidii ninka diidayee dadka kala qoqobi yaan uga dacwoonaa?

12.jabhadaha wadaniga�ah ninka cadow sidii dili muxuu daydayaayaa? Yaanse uga dacwoonaa?

13. diintti ka durugyee xageebuu udiga rogan?

14.hooyada ladilayee duhur dabarka lagu goon danbigeeda yaa iska leh? Yaanse uga dacwoonaa?

15.umulaha aan todobo bixin ninka dolocda uga dhacay ee dilaya hooyada yaan uga dacwoonaa?

16.daa�ima caruureed oon daaya garanay hooyadood ninkii dilay danbigiisu muxuu yahay? Yaanse uga dacwoonaa?

17.dayartiyo haweenkii dadku wada xurmayjiray ninkaan daaya odhanayn muxuu doonayaa? Yaanse uga dacwoonaa?

18.dadku kala dubnugulee dumarkaa duligu dhibay ninka aan udiir nixin muxuu doonayaa?

19.wilasha dagaalami ninka kala dudaysani wuxuu dooni yaa dayay?ama yaan uga dacwoonaa?

20.kuwa duurka galayee daacada ahee dadka iyo dalkii udagaalamaayeen dankaleete eegayn ninka waran ku dilayaa danbigiisu waa maxay?

21.dhaawaca dulaysanee halganka dartii dibnahooda waayee daawada badhkood helin badhna doolar qaadani damiirkaygu diidyee dadku say udaawani?

22.ninka cadowga dili dib ninkii ka gaadee duudka waranka kaga duray muxuu doonayaa?(MJXSG)

23.ragii door ahaayee cadowga damug kasiin jiray ninka dilayee wada diray muxuu doonayaa? Yaanse uga dacwoonaa?

24.deeq raazin-kii dadku wada jeclaayeen ninka dabinka lagu dilay kadanbeeyay dowgiisu waa maxay? Yaanse uga dacwoonaa?

25.sheekhii dadkii ilamada dayni waayeen markii jeelka lagu dubay ninkii dabinka dhigayee kadanbeeyay dabarkaa danbigiisa yaa dayay? Yaanse uga dacwoonaa ? Sheekh bashiir.

26. sayidkii dadkeenaba diinta ku hawadin jiray dulcidla-ah nikii diray ee ayar lagu dilay danbigiisu waa maxay? Yaanse uga dacwoonaa?Sayid cabdiwali

27.ninkii dogob ahaayee alifle loogu magic daray ninka duhurka dilay danbigiisa yaa dayay? Yaanse uga dacwoonaa?

28.daacad iyo libaaxii marka uu dinaahini ducfigiyo wayaanuhu maqale uu kadidi jiray kaan difaacinee kadanbeeyay dabinkaa danbigiisu waa maxay ? yaanse uga dacwoonaa?qaylo-wayne

29.abwaankii dagaalamay ee dadkeena kicin jiray ee cadowgu duhur cunay ninka aan dib jog odhan een cadowga uga digin dibadeedna lagu dilay danbigiisu waa maxay ?yaanse uga dacwoonaa? Iimaan cubed iyo xassan gaab

30.kii dadaalayee dibadaha katagay een dalkaba aqoon ninka yidhi dagaal aad ee kaligi daaf dhigay dibadeedna lagu dilay dawgiisu waa maxay ?yaanse uga dacwoonaa? Heersare

31.ninkii gudaha dagay een dakane waligi galin ee dagaalka wadi jiray dariskuna jeclaayeen ninkii dabin udhigayee lagu dooxay duruh danbigiisu waa maxay?yaanse uga dacwoonaa? Kayd

32.ninkii jwxo duunkeed u durbaan tumaayeen ee daaha adag iyo daahaadhada uxidhi jiray daleelada ninkii dhigay ee cadowgu dalamsaday danbigiisu waa maxay? Yaanse uga dacwoonaa/Cali yare

33.danab iyo dagaalyahan ninka dooxay duhur hadha muxuu doonayaa?yaanse uga dacwoonaa?

34. isku soo duduuboo ragii door ahaayee halganka dudubin jiray ee dadaalka badan galay ninka wada dubee dabka saaray muxuu doonayaa ama daydayaayaa?

35.diintii islaamkee dadku wada jeclaayeen ninka diidan een doonahayn muxuu doonaya?

36.dadka jarar kunool iyo kuwa dahare dagay ninka kala dudaysani wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?yaanse uga dacwoonaa?

37.dooxadii gadey iyo ninka doollo kala dilay wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay? yaanse uga dacwoonaa?

38.dadka nogob dagiyo dacalada jigjiga dab ninkaa dhexdhigay wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay? Yaanse uga dacwoonaa?

39.daafyaha ogaden dadka jooga waa daris hadana waa dun iyi xadhig duul wada dhashee ninka kala durkinayee kala dilahaya wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

40.ninka dahare tagayee danbigiyo wayaanaha darinta kula hurtee habeenada u dadab galay wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

41.dadka wuxuu usheegiyo wuxuu doonayaa ninka ay is diideen wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

42.dowlada itoobiya ninka aan ka daginee hadba doloc ka wacayee aan kadaalin wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

43.dadaaliyo ragii halganka soo dubee dadka oogu yeedhee daawada ahaayee aan daalin abidkood ninka kala diree dad kaleete daydayi wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

44.doolar iyo lacag iyo ii dabaal dag mooyee daliil kaleete kaan dayin wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

45.kanaan diray , kanaan dilay, kanaa diiday hadakii , kanaa dooda soocelin , kaana dabinka gali. ,kaana dila oo duhur daldala iyo dad lugooya mooyee dankaleeta kaan dayin wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

Jawaabta afarta iyo shantan su�aalood waxaa jawaabtooda laga sugayaa qof kasta oo soomaalida ogaadeeniya ah fahmayna micnaha iyo ujeedada jiiftada


Gabayga waxaa soo tiriyay Mudane Cilmi Xasan
E-mail: [email protected]

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com