GodeyNews.com
.
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Main Menu
 
 
�Magaca Ayaa Deeqay� By EEGGA.COM Editorial
Maahmaah horaysay baa ahayd � Doqoni xadhkaha lagu xidhi xusuladay ku sidataa�. Gundhigga maamaahdani wuxuu si rasmi ah u taabanayaa sogordaha ONLF iyo siyaasad xumada ay badday qabiilka Ogadeenka ee ay ka soo jeeddo.

Waxaa xaqiiqo ah in aysan jirin cid eegga ka hor daraasad ku samaysay arrintan isla mar ahaantaana isku dayday bal in ay dadka u soo bandhigto waxa Ogaadeen ku seegeen jiritaanka ONLF iyo majara habaabinta siyaasadeed ee ay u gaysatay. Sida badan dadka badankiisu caadifad bay ku shaqeeyaan wakhtina uma helaan in ay is waydiiyaan waxa rasmiga ee jira ama horayba u soo dhacay iyo raadka ay ku yeeshaan waxa maanta jooga.

Arrintaa sababteeda waxaa iska leh kuwa iyagu u qaanshaartay in ay dadka ku wareeriyaan caadka iyo caadifadda ee aan marnaba doonaynin in laga baaraan dago dhaxal-xumadey dadka badeen. Bal haddaba akhristow wakhti yar qaado, laablakacana meel soo dhigo dabadeedna isku day in aad fahamto taariikhda dhabta ah ee qadiyada, doorka ay ONLF ku lahayd, iyo raadka ay ku reebtay mustaqbalka dadka iyo dalkaba.

Waa tii EPRDF 1991dii dalka qabsatay ee ay ku baaqday xuquuq loo simanyahay iyo aaya ka tashi u bannaan ciddii iyadu markaa danaynaysa. Waa tii ONLFna ka aqbashay ee ay chartarkii wax ka sixiixday.

Dabayaaqadii 1992dii waa tii doorashooyin madax bannaan la qabtay ONLFna ay ku guulaysatay 84% kuraastii baarlamaanka. Bishii January, 1993 waa tii ONLF kaligeed dhistay dawladdii gobolka halkaana ku hantiday madax waynihii gobolka, ku xigeenkiisii, iyo saddex-iyo-toban ka mid ah sagaal-iyo-tobankii xubnood ee guddiga fulinta gobolka. Isla sanadkaa gudihiisa waa tii Godey magaala madax noqotay dawladdiina halkaa la dajiyay. Halkaas waxay ONLF ku magacawday golihii wisiirada iyo maamul hoosaadyadii kale ee gobolka. Mar labaad ONLF iyo Ogaadeenba waxaa uga soo siyaadey jagoyinkii ugu badnaa ee ugu muhiimsanaa maamulka dawladda oo ay ka mid ahaayeen, wasiirrada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, qorshaynta, beeraha komishineerka booliiska iyo qaar kale oo badan. Waxbase ilaahay kama aabynin oo sideed bilood ka dib waatay ONLF gacanteeda ku burburisay dawladdii ay iyadu dhistay kadib markii uu khilaaf aan micno badan lahayn iyo is afgarasho la�aani soo dhex gashay madaxdii dawladda iyo hoggaankii ururka oo aan iyagu markii horaba wax badan isku ogayn. Dawladdii taas ku xigtay waxay ahayd dawlad dhismaheeda ONLF lala wadaago inkasta oo aan is dhihi karno wax badan oo xuquuq ahi Ogaadeen kagama wareegin kol hadday boosaskii muhiimka ahaa ee ay horay u haysteen ay mar labaad ku guulaysteen.

Waxaa ku xigtay in la soo gaadhay dhammaadkii dowladdii kala guurka oo ay ahayd in qawmiyaddii go�aaysaana ay go�do qawmiyaddi aan go�aynna ay ka qayb gasho nidaamkii federaaliga ahaa ee ay EPRD soo bandhigtay. Si kastaba ha ahaatee, ONLF waa baa ku baryay, waayo uma aynan diyaarsanay in ay go�aan rasmi ka qaadato labada arrimood ee horyimid. Run ahaantii Sheikh Ibraahin iyo raggiisii ma aynan doonaynin in ay ka qayb noqdaann nidaamka federaaliga ah ee Ethiopia mawqifkooda siyaasadeed ee arintaas ku wajahanna isla markiiba way sheegeen. Laakiin, dhinaca kalena ONLF may ahayn urur u sii diyaar garoobay siduu waddan iyo xorriyad midna ku hanan lahaa waayo tayadeediiba meesha ma oolin.

Waxaa laga yaabaa in aad is waydiinayso sababta ay ku hanan waayeen waxii ay doonayeen ee ay markaas Ethiopia uga fadhiyeen. Jawaabtu way dhib yartahay waana sidatan: waa midda horee, ONLF ma aynan lahayn yool siyaasadeed iyo istiraatijiyo hufan oo ka dhaadhacsan shacabka ay sheeganayso iyo xubnaheedii siyaasadda ugu jiray labadaba.

Waa midda labaade, ma aynan lahayn horayna uma sii diyaarsanin cudud milateri oo ay ku maquunsan karto doonisteeda siyaasadeed iyo xorriyadda ay ku hammiyaysay. Sidaa daraadeed, si dhib yar ayay taladiiba gacantooda uga baxday, gaar ahaan markii ay xubneheedii durbadiiba u kala jabeen qaar ay la qumanaatay in Ethiopia wax lala wadaago, iyo qaar �tiibo carabi iyo wadaado� u badnaa oo ay la qumanaatay in ay dagaal aloosaan maadaama aynan aqoontooda carabiga ku sal lihi wax badan ka goynaynnin miiska siyaasadda ee Ethiopia.

Wixii intaa ka danbeenyay, waa tii rag aan cantoobo ka badnayn, sida Sheekh Ibraahim Cabdalla, Axmed-nuur Sanwado, Diirranee Cabdi-Yaasiin, Ilyaas Sheekh Cali, Keyd Geescadde iyo dhawr wiil oo ay duufsadeen, ay taladii Ogaadeen lahaa gacanta u gashay sidaasna ay ku alooseen dagaalka maanta socda. Waxaa xusid mudan in raggaas xooggiisu maanta yihiin qaar dhintay, qaar khafiska siyaasaddaba ka baxay oo iska danaystay iyo qaar kale oo wali hoggaaminta ONLF magac ahaan uga jira balse aan door badan oo siyaaseed lahayn, kadib markay buul u noqdeen admiralka oo isagu awooddii maroorsaday.

Maxaa haddaba Ogaadeen dagaalkaas loo iclaamiyay ee uu galay ku seegay ? Waxay ku waayeen inta ay maanta siyaasiyiinta jabhaddu ku beer laxawsadaan dadka qurbaha jooga. Sida: maxaa keenay in ay dagmada Awbarre ka kuraas badato dagmooyinka Ogaadeenku dago oo dhan? Maxaa keenay in caasimadda Godey laga wareejiyo oo Jigjiga la geeyo? Maxaa loo waayay iskuullo, isbitaallo, waddooyin, iyo horumar kale intaba? Maxay ku dhacday in Ogaadeenka iyagu dawladda u shaqeeya la aamini waayo? Iyo su�aalo kale oo aan kaga jawaabi karno oo kaliya hal su�aal oo aynu dib u waydiinno kuwa iyagu qaba su�aalahan faraha badan: �Suurto gal ma tahay in nin aad is dilaysaani uu horumarkaaga ka shaqeeyo adiguna aad xabbadda la kor taagnaato?� Bal kaliya waxaad fiirisaa inta xuquuq ONLF gacanteeda ku jirtay muddadii ay xukunka haysay ee ay garan waayday sidii ay u maamuli lahayd. Asalkaba, yaa ONLF maamulkeedii iyo awooddii ay hantiday loo eersan karaa oo isagu dumiyay? Ma Tigree-baa u sabab ahaa mise ONLF ayaa iyadu taya xumo ay qabto u fashilantay kadib markay maamuli wayday dadkii ay iyadu iskeed isugu qaanshaartay? Maanta oo ay labadii ku danaysaneysay kala bixi la�dahey, ma hanan kartaa xorriyad ummadeed? Adiga ayaan akhristow kuu daynayaa in aad iskaa uga jawaabto su�aalan.

Bal aan is waydiino saddex iyo toban sano oo ay ONLF jabhadaynaysay dabadood, maxaa Ogaadeen u soo kordhay? Guul intee la eg ayay u soo hoyisay ? Waxaad su�aalahan isaga jawaabi kartaa oo kaliya haddaad tahay qof dalka iyo dadka yaqaan, ka warhaya, dhibaatadiisana ka damqanaya isla mar ahaantaana aan isagu ku jirin kuwa kooban ee sida shakhsiga ah ugu danaysta. Waxay ONLF laysay kumayaal qof oo rayad ah oo aan iyagu waxba galabsanin, waxay bahdileen dadka intiisii badnaa oo ay qabkii iyo qofnimadiiba ka qaadeen, waxay fashileen qoysnimadii iyo dhaqankii reerahuhu isku maamuli jireen, isl mar ahaantaana waxay dhulkii ogaadeen lahaa u loogeen qabiillo kale oo Somaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo durkaya xadadka aynu Somaliya la wadaagno.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa xigmad aan ka faaiidaystay nin aan saaxiib nahay oo isagu ka soo jeeda waddankaas oo aan arrimahan ka sheekaysannay, kadibna aan waydiiyay su�aal meesha ku jirtay oo ahayd: maxaa keenay in Ogaadeen taageero ONLF kol haddaynan khasaare mooyee faa�iido ku qabin. Wuxuu ku jawaabay � Ogaadeen magaca Ogaadenya ee ay ONLF wadato ayaa deeqay oo ku fillaaday�.

Editorial Comment
Eegga.Com

�Godeynews.com


 

 


   

 

   
     
   
Home | Submit News | Forum | Contact
 
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com