|
|
Qaamuuska Laga Fiiriyo Xubnaha iyo Taageerayaalka ONLF
|
Ma jirto jabhad Soomaali leedahay oo dad wayda waayo marka horeba raga ku danaysanayaayi maslaxadooda ma garan waayaan. Waxay ka billaabaan in ay dadkooda (qabiilkooda) daraasad ku sameeyaan wixii ka gadmi lahaana ula yimaadaan dabadeedna u hawl-gelyaan.
Waxaa ku xigta in ay ka faa�iidaystaan qabyaaladda oo run ahaantii Somaalidu u nugushahay dabadeedna isku dilaan ama kalaba dilaan sidaana danahooda kaga fushadaan. Intaa wixii ka danbeeya, jabhadnimadu uma baahna in la wado ee iyada ayaa is wadda, waayo dariiq bay yeelataa, dakanada iyo isdabo-dabaysiga ay dadka dhexdiisa dhigto ayunbaa ugu filaada in ay waarto. Haddaba waa su�aale ONLF wa�ayo? Yaa hoggaamiya u ah yaase taageere u noqda? Waa kuwee qaybaha bulshada Ogaadeenka ee isku bahaystayi? Annaga oo isku dayayna in aan su�aalahan ka jawaabno, ayaan waxaan akhristahannaga u sawiraynaa xogta resmiga iyo rakibka hoose ee Jabhadaynta qabiilka Ogaadeenka ama ONLF ama Ururka Bahdilka Ogaadeenka (UBO).
Naq Raac
Waa hoggaamiyeyaasha ONLF, waana nimanka iyagu sida rasmiga ah ugu danaysta jabhadnimada xag dhaqaale iyo xag xukun maroorsi labadaba. Naq Raacu intooda badani waxay caan ku yihiin hunguri iyo haybad doon, xagga tayada iyo fakarkana siyaasadeedna waxayba aad uga shabbahaan hoggaamiyeyaasha dagaal beeleedka �warlords� Somaliya ka jira, marka laga reebo cadawgooda oo Ethiopia ah iyo dhibaatada ay dadkooda ku hawlgaliyaan oo gumaysi diid ah. Sida badan, Naq Raacu xooggodu waa shakhsiyaad ku soo ababay dawladdii Siyaad Barre; aqoontooda, ilbaxnimadooda, iyo waaya aragnimada hoggaamineedna waa mid had iyo goor ku salaysan kali-tashi, kala tashi, danaysi shakhsi ah, iyo dhagar abuurnimo. Sida aynu wada ogsoon nahay qabiilka Ogadeenku door wayn oo siyaasadeed ayuu ku lahaa ciidamadii qalabka siday ee Somalia, sidaa daraadeed burburkii Somalia dabadii waxaa Ogaadeenka u soo baxay saraakiil fara badan oo iyagu markii danbe shaqo la�aani ku dhacday. Billowgii hore way kala firdheen oo waxay noqdeen qaar caruurtoodii la baqday iyo kuwo iyagu naruuro ka doonay SPM-tii Kismaayo. Dhowr sano kadib waa kii ay SPM burbursaday, kadib markay raggii ku hawlanaayi waxay ka samayn lahaayeen ka sameeyeen, hase yeeshee, baaba�eedii ka dib waxay haddana fursadi askartii uga bidhaantay ONLF iyo galbeed, khaas ahaan intii Generaal Cismaan xukunkeeda qabsaday. Bal akhristow u fiirso dadka iyagu duqayda Ogaadeen isku sheega ee North America iyo Europe maanta ka odayeeya hadday tahay Minnesota, San Diego, London iyo Copenhagen. Waa qudha raggii Generaalku madaxda Somaaliya ugu soo ahaan jiray oo maantana dugsanaya in ay balalo ka helaan xukunkiisa. Raggani iyaga ahi waxay dhammaantood ka simanyihiin in ay caruurtoodii soo fogaysteen, biil maalmeedkii reerahoodana xasladeen kadib markuu ilaahay ku manaystay caydha reer galbeedka ee deeqsiga ah. Waxaa marag ma doonta ah in ay qaarkood bururaan markay admiralka indhaha ka qaadeen oo intay isba hayn waayaan ay dadka hortiisa gataati dhecaan, qaar kalana goggiisa anaa leh u boobtamaan oo lagaba furfuri waayo, halka ay qaar kalena ku dhabar jabaan u sii gogol xaadhistiisa iyo hawadintiisa.
Qadaw Ur
Waa caruurtii soomaaliya ku dhalatay ama ku kortay khaas ahaan kuwa ka soo jeeda raggii Ogaadeenka ahaa ee lixdameeyadii Somaliya tagay aasaaskana u noqday dhaqdhaqaaqyadii gobanimo doonka ahaa ee hore. Waxaynu ku sheegi karnaa in ay yihiin �qab ku nool� waxayna aad u aaminsan yihiin in qoysaskoodu halganka nasabaddiisa leeyihiin, maadaama ay aabayaashoodba waa jabhad soo ahaayeen. Waxay aad isu moodaan in ay waddanka wax badan ka ogyihiin walow aynan waligoodba arag wax ay ku xasuustaanna jirin, waxay jecel yihiin in ay mar walba talada qaddiyadda wax laga waydiiyo walow aynan aqooninba meel ay talaba marayso, waxay isu haystaan in ay aqoon maadi ah oo fara badan leeyihiin walow aynan aqoontoodu laba xidhiidhin xaalka rasmiga ah ee dalka iyo dadba ku jirto. Waxay moodayaan in ay waligood halgamayeen, wallow uusan jidhkoodaba waana xanan xaganin. Qadow Urku badanaa waa gacan yaraha Naq Raaca, waayadan danbana qaar kamid ah ayaaba u dallacay in ay xubno ka noqdaan talisaka hoggaaminta ONLF kadib markay aaminaad wayni dhex martay iyaga iyo admiralka. Qaarkooda aan wali dallicinina raaciyo jabhadnimada u qalbi la� balse aan marna qiranayn xubin nimadooda ayay yihiin. Xagga xog agaal nimada waxay aad uga aflexeen Internateka, waxa ay ka soo akhriyaanna waa u xaddiis sixiix ah. Sidoo kale, Qadow Urku waa dad intooda badan qoys ahaan uga soo dhamaaday waddankii hadday wax kaga hadheenna qof iyo labo oo kaliya ayaa ka danbeeya, sidaa daraadeed dareen badan uma ay laha dhibaatada iyo dhimashada illeen waxay iyaga u tahay �geeri geel jire iyo nimaynan garanayn ku maqane�.Riyada Qadow Urku waa Ogaadeen Wayne �Pan-Ogadenism� oo ah in maalin maalmaha ka mid ah la gaadhi doono in Ogaadeenka Kismaayo, kan Ethiopia iyo kan Kenya ay midoobaan, Kismaayana dakad u noqoto, dabadeed gaadiidku dalan-doolo Kismaayo iyo Dhegax-Buur dhexdooda. Arrintani waa u yididiilo Qadaw Urka waayo waxay rajo ka qabaan in marka Ogaadeen Wayne yimaado ay iyaguna Ugaasyo iyo Suldaamado noqon doonaan oo la caleemo saari doono.
Dheg Raac
Waa dambi laawayaasha Ogaadeenka. Waa ma kasta mar walba laga faaiidaysto ee aqoonta iyo ilbax nimadaba iyagu ku dulman. Waxay u nugulyihiin magaca Ogaadeen, isaga ayayna dugsadaan. Waa kuwa ay mar walba mu�ammaraddu ku dhacdo waayo magaca Ogaadeenya ayaa mar walba u muuqda, amaba niyaddoodu waa kaamil inta uu nin ay isku qoys yihiini taliska sare ee jabhadda ku jiro, way jibbaysan yihiin seeftooduna galkaba ma taqaan. Waxaa intooda badani ku qufulan �Ogaadeenya Ogaadeenbaa iska leh� ninkii ka hadlana waa mujrim Ogaadeen cadow u ah. Sida badan, waa koox towfiiq badan inkasta oo ay aad ugu nugul yihiin qabyaaladda dhexdooda ah ama marka wax laga sheego ninka reerkooda ah jabhadda hoggaankeedana ku jira. Dheg Raacu waa niman qaylo dheer oo muran badan mararka qaarna suuqyada dhexdooda ayayba isugu gacan qaadaan khaas ahaan mark ay cadhada iyo caadifadda siyaasadeed ka tan badiso. Intaa waxaa u dheer jacayl ay u qabaan warka san iyo reerkooda oo guulaysta, markay waayaanna iyaga ayaaba abuurta warka san si ay niyaddooda u dajiyaan. Saddexdaa qaybood ee aan kor ku soo sheegnay oo iskaashaday ayaa maanta Ogaadeen ku durduriyay oo dal iyo dadba sababay in ay galaaftaan, Waase adduunyo oo ilaahaybaa dadkiisa kale iyo Ogaadeenba u maqan.
Qore:EEGGA.COM Editorial |
|
|
|
|
|
 

|