GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Kismaayo: Gudoomiye ku xigeenka maamulka Islaamiga Jubbooyinka iyo Af-hayeenka maamulka oo uu wehliyo Taliyaha Guutada Al-shabaab ee jubbooyinka oo kormeer hawleed kusoo kala baxayay degmooyinka Jilib iyo Jamaame
Af-hayeenka maamulka Islaamiga Jubbooyinka Ibraahim Shukri Abu Zeynab iyo Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka Islaamiga Goballada Jubbooyinka Sheekh C/Fataax ayaa maanta soo gaaray dadka kudhaqan deegaanka Kabsuuma oo wax kayeeloobay fatahaada webiga Jubba iyo roobab badan oo da,ay.

Masuuliyiintan ayaa waxaa lasocdey baabuur sida gargaar kaalmo raashin ah iyo teendhooyin loogu tala galay dadka dhibaatadu kasoo gaartay roobabkii fara badanaa ee maalmahan ka da,ay deegaankaas iyo waliba fataahada webiga oo saameysay dhul beereed aad u ballaran oo kuyaalla deegaanka Kabsuuma iyo Jilib.

Dhinaca kale waxay wararku intaas kudaraayaan inay usii gudbi doonaan degmada Jilib oo uu kusugan yahay taliyaha guutada Al-shabaab C/qaadir Maxamed Abu Dujaan oo asugu maalmahanba kusugnaa magaalada Jilib oo lafilayo inuu maanta soo gaaro Gudoomiyaha maamulka Islaamiga Jubbooyinka Axmed Sheekh Maxamed Islaam oo in muddo ahba kumaqnaa soo gabagabaynta dagaalkii lagaga soo adkaaday dagaal ooge Col Barre Hiiraale iyo maleeshiyo beeleedkiisii.

Gudoomiye Axmed Sheekh Maxamed Islaam iyo masuuliyintan kale ayaa kukulmi dooni degmada Jilib oo sida aan kawar hayno aan wali loo sameyn maamul cusub oo islaami ah illaa iyo intii laga eryay haraadigii maamulkii Dooxada Jubba.

Hase yeeshee warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya inay masuuliyintan u yimaadeen in maamul cusub oo Islaami ah loo dhiso degmada Jilib iyo dhamaanba gobalka Jubbada dhexe oo maalmo kahor qeybo kamid ah oo dagaal kharaar oo lagu kala adkaaday kudhexmaray ciidamada midowga maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed ee jubbooyinka iyo kuwa Barre Hiiraale.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo.

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com