GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Muqdisho: Banaanbaxii maanta kadhacay magaalada Muqdisho oo ay dad badan isu diiwaan geliyeen jihaad kadhan ah Ciidamada Ethiopianka!!!
Salaadii Jicamaha ee maanta markii la tukaday kadib waxaa fagaaraha weyn ee Tarbuunka magaalada Muqdisho isugu soo baxay dad oo tiro badan oo kumanaan ah kuna qaylinaya erayo lid ku ah ciidamad Ethiopianka ee kusugan gudaha dhulka jamhuuriyada Soomaaliya.

Waxaa kaloo meesha laga hadlaya sidii lagu difaaci lahaa wadanka taasooy dad badan oo mujaahidiin ah ay isu qoreen difaaca diinta iyo dalkaba oo ay kusoo duushay dawladda Ethiopia oo ay ciidamadeedu kusugan yihiin meelo badan oo kamid ah dhulka jamhuuriyadda soomaaliya.

Sheekh Maxamed Sh. Ibraahin Suulay oo ah Madaxa golaha Difaaca Diinta iyo Dalka soomaaliya ayaa shacabka muqdisho kuyiri " Waxaan dadka kuwar gelionaynaa cidii doonayso inay difaacdo dalka o ay jihaad lagasho Ethiopia inay timaado Tarbuunka si aan ugu sheegno goobaha ay iska diiwaan gelin karaan"

Waxaa kaloo jira abaabul guud oo dhaqaalo uruurin oo kasocda magaalooyin badan oo ay kataliyaan midowga maxaakimta islaamiga soomaaliyeed sida magaalooyinka Marka, Kismaayo, Bu,aale, Jawhar iyo Baledweyne iyo dhamaanba degmooyinka gobalka Banaadir.

Banaanbaxii maanta ee kadhacay Tarbuunka ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta ugu sareeysa golaha maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed iyo waliba Generaalo kamid ah ciidamadii soomaaliyeed ee burburay oo talooyin iyo wada shaqeyn kadhexeeyso golaha midowga maxaakiimta.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo-Desk

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com