GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Addisababa: Ethiopia oo sheegtay in maamulka Asmara uu qorsheyay inuu afar siyaabood usoo weeraro Ethiopia!!!
Qoraal degdeg ah oo ay caawa sii daysay Wasaaradda Arimaha Dibadda Ethiopia ayay kusheegtay in dawladda Eriteria ay qaban qaabinayso weerar kadhinac ah wadanka Ethiopiani oo keena kara dagaal lagu hoobto oo dhexmara Ethiopia iyo Eriteriya.

Masuul u hadlay Wasaaradda Arimaha Dibadda Ethiopia ayaa sheegay inay hayaan cadeymo rasmi ah oo xaqiijinaya in maamulka Asmara u qorsheeyay inuu dagaal kubilaabo dawladda Ethiopia, isagoo isticmaalaya afar waji oo kala ah; jabhadaha ONLF, OLF, Ciidamada Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed iyo waliba ciidamada Eriteriya oo dagaal kabilaabaya xuduudka labada wadan ee aan illaa iyo hadda lagu heshiinin oo ay hadda ciidamada Eriteriya sharci darro kusoo galeen.

Warar kaloo dheeraad ah ayaa intaas kudaraya in dawladda Eriteriya ay ku amartay jabhadaha ONLF iyo kuwa OLF inay khal-khal xoogan geliyaan ciidamada dawladda, isla markaasna ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa ciidamada kusoo qulqulaya gudaha soomaaliya. Hadii ay macquul tahayna ay isku dayaan inay qabsadaan magaalooyinka waaweyn mid kamid ah.

Hase yeeshee dawladda Ethiopia masoo saasaarin wax cadeymo ah oo la taaban karo oo aan ka ahayn eedaynta ay maamulka Asmara ku eedaynayso inuu abaabulaya weerar kadhan ah dawladda Ethiopia.

Labada wadan Eriteriya iyo Ethiopia ayaa xiriirkoodu aad u xun yahay laga soo bilaabo ilaa iyo intii ay dagaalka kharaar iskaga horyimaadeen bilaawgii sanadakii 2000 oo ay kudhinteen in kabadan 100,000 kun askari oo labada dhinac ah.

Axmed Cilaan,
Godeynews.com
Jijjiga.

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com