GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Kismaayo: Haraadigii Barre Hiiraale oo Isusoo dhiibay Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga Jubbooyinka!!!
Maleeshiyo beeleed kamid ah haraadigi Barre Hiiraale oo in muddo ah ku dhumaalay-sanaysey deegaanka Beerxaani oo katirsan degmada Kismaayo ayaa maanta isa sooo dhiibay ciidamada midowga maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed ee jubbooyinka.

Kadib markii ay ogaadeen in Barre Hiiraale lagaga adkaaday dagaalkii Dujuma ee degmada Bu,aale, isla markaasna ay dhamaatay hankii iyo rajadi laga qabay inuu markale Barre Hiiraale iyo maleeshiyo beeleedkiisa ay gacanta kudhigaan magaalada dekada ah Kismaayo.

Maleeshiyo beeleedkan ayaa maalmo kahor waxaa amar kama danbays sii yay Taliyaha Aminiga Kismaayo Sheekh C/laahi Warsame Ejka oo maleeshiyadan u qabtay inay isku soo dhiibaan ciidamada maxaakiimta jubbooyinka muddo 24saac ah, hadii kale ay lakulmi doonaan cawaaqib xumo lamid ah tii kudhacday Barre Hiiraale.

Tirada maleeshiyada isasoo dhiibtay ayaa lagu sheegay 100-120 maleeshiyo ah oo uu watay ninka lagu magacaabo Col Cabaas oo sida laga warhayo dadka deegaanka u gaysaty xasuuq iyo danbiyo fara badan.

Iskusoo uruuriyoo is dhiibitaankan maleeshiyada Beerxaani ayaa waxay rajo xumo iyo samir horleh u tahay Barre Hiiraale oo laga yaabo inaysan wali qalbigiisa kabixin rayadiisii ahayd inuu dib u qabsado magaalada dekadda ee Kismaayo.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo.

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com