GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Buurxakabo: Sheekh Shariif oo gaaray degmada Buurxakabo
Gudoomiyaha gudiga fulinta Sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Burxakabo oo ah furinta hore ee ciidamada midowga maxaakiimta islaamiga iyo kuwa Ethiopianka.

Sheekh Shariif ayaa sida lasheegayo u tagay inuu kor u qaado mooraalka ciidamada ,isla markaasna u tagay inuu lakumo taliyaasha ciidamada maxaakiimta ee furinta kujira iyo waliba madaxa Amniga Maxaakiimta Sheekh Yuusuf Siyaad Indhocade iyo Macalim Aden Xaashi Cayrow oo kala wata ciidamada maxaakiimta ee furinta hore kujira.

Ciidamada Ethiopianka iyo kuwa Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa sida lasheegayo ad iskugu dhow oo isu muuqda oo ay adeg tahay inuusan dagaal kadhex qarxin, hadii aysan qolo dib uga guranin meesha ay hadda kusugan tahay.

Dhinaca kale waxaa lasheegayaa in magaalada Baydhabo ay aad u qasan tahay oo ay daku kaqaxayaan illaa iyo maalintii uu Sheekh Xasan Turki sheegay inay maxaakiimtu ay gelayaan Baydhabo, isla markaasna uusan aqoonsanayn wax lagu sheego kumeel gaar oo Baydhabo kusugan.

Sidoo kale waxaa jira jahwareer iyo khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay DFKS iyo masuuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle ugu jira dawladda oo qarkood ay qaab dagaal amase xiriir ay laleeyihiin maxaakimta uga baxeen magaalada Baydhabo. Masuuliyiintaas sarsare ee kabaxay magaalada Baydhabo oo wali kaxun khilaafkii ka bilaamay imaanshaha Baydhabo uu yimid Gen Cali Madoobe ayaa waxaa kamid ah; Aden Saransoor, Sheekh Aden Madoobe iyo Xaabsade oo lagu sheegay inay gaareen magaalada Xudur oo ah xarunta gobalka Bakool.


C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo-Desk

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com