GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Jijjiga: Fatahaad Roobab oo wax yeelaysay Deegaano kamid ah Ismaamulka Soomaalida oo sababtay inay barakacaan Kumanaan Qof ah.
Roobab xoogan oo aan kala go' lahayn ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadheeyey qaybo badan oo Deegaanka Somalida kamid ah, Tusaale ahaan Magaalada Dhagaxbuur afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu si aan kala go' lahayn uga da'ayay Roobku.

Roobabkaas iyo Roobab kale oo ka da'ayay dhulka sare ee Itoobiya ayaa soo buuxiyay Wabiga Shabeele, Kuwaas oo jabiyay Qar-qarada wabiga, Sababayna inuu ku fataho dhul-baaxad-weyn. Fatahadan wabiga ayay ku dhinteen 15-Qof, halka ay barakiciyeen dad gaadhaya 2000-Qof. Sida ay sheegtay Wakalada Wararka ee Dawlada Itoobiya(ENA).

Magaalooyinka Qabri-dahare iyo Mustaxiil ayay fatahaadu saamaysay, Balse aan wali laga soo sheegin khasaaraha ay geysteen. Dadka degan meelaha hoose ee Magaalooyinkaas ayaa iyagu u baxay meelaha sar-sare ee Magaalada si ay uga bad-badaan fatahaada Biyaha.

Hayada Qaramada Midoobay ayaa aagaas u dirtay Gudi Xaqiiqo Raadis ah iyo Qalab kale. Hayada Bini'aadanimo ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in bishii August ee lasoo dhaafay ay daadad xoogani barakiciyeen dad dhan 135,000. oo Itoobiyaan ah.

Fatahaada Noocan oo kale ah ayaa kusoo Noq-noqota Dhulka-Hoose ee Itoobiya, Roobabka xiliyada June-September ee ka da'a Dhulka-Sare ee Itoobiya ayaa iyagu sababa khasaare fara-badan.

Godeynews.com

Xigasho: Somalistate.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com