GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Sir Culus: M/weyne C/laahi Yuusuf oo bilaabay inuu waanweyn iyo wadahadal kadhex abuuro Jabhadda ONLF iyo Dawladda Ethiopia!!!
Warar sir ah oo soo gaaray warsidaha Godeynews ayaa sheegaya inuu M/weyne C/laahi Yuusuf ku howlan yahay sidii uu is afgarad udhex dhegi lahaa masuliyiinta ugu saraysa jabhadda ONLF iyo dawladda Ethiopia.

Wararku waxay sheegayan in PM Zenaawi iyo M/weyne C/laahi Yuusuf ay kawada hadleen sida ugu wanaagsan ee loo yarayn lahaa amaba loo wiiqi lahaa awooda xoogaga soomaaliyeed ee kasoo horjeeda siyaasadda Zenaawi oo maanta u eg inay iska gaashaan buuraysteen colaadda Ethiopia.

Sidaas darteed waxuu Zenaawi u xilsaaray C/laahi Yuusuf inuu bilaabo hawlo lagu sheegay inuu lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee udhexeeya iyaga jabhadda ONLFta. Waxaa kaloo cadeyn ah arinkan hadalkii Zenaawi uu bishan bilawgeedii u kasheegay barlamaanka Ethiopia isagoo leh "waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal nabad-galyo lagallo jabhadaha ONLF iyo OLF."

Waxaa kaloo warka sirta ah Godeynews usheegayaan inuu M/weyne C/laahi Yuusuf xirriiryo hoose lasmeeyay masuulka ugu sareeya jabhadda ONLF, balse aysan cadeyn heerka wadahadal ee ay isla gaareen iyo jawaabta uu kabixyay qorshahan iyo waliba sida uu arko rayigan cusub ee uu dabada kawado PM Zenaawi.

Godeynews waxay isku dayday inay wax kaweydiiso qaar kamid ah masuuliyiinta jabhadda ONLF jiritaanka warkan iyo inay wax kala socdaan. Laakiin waxay labo masuul oo aan si gooni ah ula kalahadalnay noo kala sheegeen sidan;

" Inaysan beeneen karin jiritaanka warkan, balse ay adeg tahay inuu xiligan wax wadahadal ah oo rasmi ah uu dhexmaro iyaga iyo Ethiopia. Sidoo kalena waxaa adeg inuu M/weyne C/laahi Yuusuf uu dhex dhexaad unoqon karo labada dhinac ee is haya waa ONLF iyo Ethiopia."

Sidoo kale maraan arintan wax kaweydiinay dad u dhuundaloolo siyaasadda Ethiopia iyo midda jabhadda ONLF ayaa waxay kusheegeen inay adeg tahay xiligan inuu wax wadahadal ah oo rasmi ah ay Ethiopia layeelato jabahadda ONLF. Hadii uu wada hadal dhacana waa mid u baahan in aad looga taxadaro oo laqiimeeyo waxyaabo fara badan oo kamid tahay culayska weyn ee siyaasadeed ee maanta kadhex taagan gudaha Ethiopia iyo midka isa soo bahaystay ee ka aloosmay soomaaliya oo ay dawladda cadowga u ah ee Eriteriya ay qeyb weyn kuleedahay.

Dhinaca kale waxay sheegeen inuusan maanta m/weyne C/laahi Yuusuf uusan marnaba noqon karin nin lagu aamini karo qadiyada soomaaliyeed, isla markaasna ay adeg tahay inuu sinaba dhexdhexaad ugu noqdo wax khuseeya dawladda Ethiopia iyo saaxiibkiisa weyne ee Zenaawi. Waxaa sidoo kale laga yaaban yahay sida uu wakhti ugu helayo inuu arintan dhexgalo maadaama ay tiisiiba ciirayso oo lafilayo inuu dagaal kadhex qarxo ciidamada maxaakiimta iyo kuwa Ethiopianka oo Baydhabo dhufays kaga jira.

Axmed Nuur,
Godeynews.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com