Dhinaca kale waxaa dhakhsaba soo baxaya inuusan shirkan wax natiijo ah kasoo bixi doonin. Prof. Ibraahim Xasan Cadow oo shir jaraa,id qabtay markuu kadhoofayay garoonka magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan marnaba kaqeyb qaadan doonin shirka " Hadii ay dawladda Kenya noqoto mid gudoonsiinaysa shirka iyo inta ay ciidamada Ethiopianka joogaan gudaha wadanka soomaaliya." Waxuu intaas kudaray dawladda Kenya waxay raali ka tahay n ciidamada Ethiopianku ay gardarro kujoogaan gudaha wadanka Soomaaliya,kenyana dhexdhexaad kama noqon karto arimaha soomaaliya.
Dhinaca kale waxuu Prof. Cadow balan qaaday inay ummada soomaaliyeed ay shirka uga soo qaadi doonaan natiijo wax ku ool ah oo dhibaatada iyo dawlad la,aanta kasaarta.