Roob aad u culus oo mahiigan ah ayaa xalay ka day magaalada Muqdisho, kaasoo sida laxqiijinayo ay kudhinteen ugu yaraan 15 qof oo udhintay siyaabooyin kala gedisan oo laxiriira khasaaraha roobkii xalay kaday magaalada Muqdisho.
Degmooyinka kal gedisan ee magaalada MUqdisho ayaa laga soo sheegayaa inay jiraan dad udhintay guryahooda oo kusoo dumay, meesha qaar dadka qaar oo caruur iyo waayeel u badan ay daadad qaadeen. Dhibaatada rasmiga ah ayaan illa iyo hadda si fiican loo xaqiijin karin inta ay la egtahay maadaama xiliga uu roobku xoogiisu da,ay ay ahayd habeenimo saqdii dhexe.
Dhinaca kale dhamaanba goballada konfurta soomaaliya ayaa intooda badan laga soo sheegayaa inu roobab mahiigaan kada,een oo badankooda gaystay khasaaro maal iyo nafba leh. Magaalooyinka Jawhar, Baledweyne, Baydhabo, Qansaxdheere, Bu,aale, Jilib, jamaame, Luuq iyo Baardheere ayaa dhamaantood laga soo sheegayaa roobab lixaad leh oo wax yeeleeyay dad iyo duunyaba, isla markaasna khasaaro badan gaarsiiyay dhul-beereed aad u ballaaran.
Roobabkan fara badan ee kadaya soomaaliya iyo waliba fataahadda webiyada shabeele iyo Jubba ayaan ku ekayn xuduudka jamhuriyadda soomaaliya iyadoo roobab badan oo sidan oo kale lagasoo sheegayo dhulka buurlayda ee Ethiopia iyo waliba gobalka ismaamulka soomaalida Ethiopia oo maalmihii lasoo dhaafey roobab lixaad leh ay kadayeen.