Taliyaha Ciidanka Maxaakiimta ee J/Dhexe Mujaahid Col. Ahmed Cisman Walad oo ku dhaawacmay dagaalkii difaaca dalka, dadka iyo diinta ee Bu�aalle ayaa la filayaa in maanta la keeno Xamar.
Mujaahid Col. Ahmed Cisman Walad oo ah Taliyaha Ciidanka Maxaakiimta ee J/Dhexe iyo naftood hurayaalkii kale ee guutada Al-Shabaab ee ku dhaawacmay dagaalkii Bu�aalle ayaa shalay soo gaadhay degmada Mareeray.ee gobolka J/dhexe, iyadoo lafilaayay maanta in Xamar loo qaado.
Roobab laxaadle oo carigaas ka da�ayay todobaadkii la soo dhaafay ayaa suurta galin waayay isku day badan oo ay sameeyeen qaybaha caafimaadka degdega ah ee Maxaakiimta oo ay ku doonayeen inay ku soo qaadaan mujaahidiintii ku dhaawacmay dagaalkii ay maxaakiimtu lagaleen haraadigii Barre Huuraale.
Haddaba dadaal badan kadib waxaa suurtagal noqotay in dhamaan dhaawacii mujaahidiinta oo uu ku jiro taliyahoodii naftii hure Col. Ahmed Cisman Walad loo qaado magaalada Xamaar si ay mujaahidiinta Al-Shabaab u helaan daryeelka caafimaad ee ay u baahan yahiin.
Waxaan Alle uga baryaynaa dhaawaca mujaahidiinta Al-Shabaab inay ka bogsadaan dhaawaca si ay dhakhso ugu laabtaan difaaca dalka, dadka iyo diinta.
Waxii warar ah ee ka soo siyaada dhaawaca naftood hurayaasha Guutada Al-Shabaab fadlan kala soco GodeyNews.com.