GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Xagar: Boqolaal maleeshiyo ah oo ay MMI Jubbooyinka ay dhaqan celin uga fureen degmada Xagar ee gobalka J/Hoose!!!
Maamulka Islaamiga Goballada Jubbooyinka ayaa illaa iyo intuu la wareegay talada goballada Jubbooyinka waxu dhaqan celin u sameeyay in kabadan 2500 maleeshiyo ah oo kakala yimid degmooyinka kala gedisan ee goballada J/Hoose iyo J/Dhexe.

Mamulka Islamiga Jubbooyinka ayaa maanta magaalada Xagar kafuray xarun lagu dhaqan celinayo maleeshiya tiradoodu gaarayso 500 oo isugu jira maleeshiyooyin hubkooda sita iyo kuwa mutadhawiciin ah oo diyaar u ah inay dadkooda iyo dintoodaba kadifaacaan cadawga Ethiopianka ee ksuoo fool leh.

Wararku waxay sii sheegayaan inay jiraan dad aad utiro badan oo kusugan degmooyinka iyo tuulooyinka goballada jubbooyinka oo diyaar u ah inay kaqeyb qaataan naftooda iyo maalkooduna u huraan jihaadka uu iclaaniyay Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Guud ahaan goballada ee MMI ay kataliyaan ayaa waxaa kasocda abaabul dhaqaale iyo ciidan qoris oo loogu diyaar garoobaya dagaalka laga cabsi qabo inuu kadhex qarxo ciidamada Ethiopianka ee gudaha soomaaliya kusugan iyo xoogaga midowga maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed oo wacad kumaray inay dagaal jihaad ah lagalayaan ciidamada Ethiopianka hadii aysan degdeg uga bixin gudaha dhulka jamhuuriyadda soomaaliya.


C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo-Desk

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com