GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Kismaayo: Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga Jubbooyinka oo markale kuceliyay inay guddi culumi ah usaarayaan oo usoo kuur-gala dilkii maxaabiista Bu,aale
Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga Jubbooyinka Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Islaam ayaa maanta mar kale kuceliyay isagoo waraysi siinaya ideecada afka soomaaliga BBCda inuu loo saarayo guddi culumi ah oo soo baara falkii dilka ahaa ee kadhacay magaalada Bu,aale.

Sheekh Axmed oo markuu dilka maleeshiyada Barre Hiiraale dhacayay aan joogin magaalada Bu,aale ayaa kawaramay sida warku kusoo geeray in lagu dilay 3 nin oo kamid ah oo maleeshiyadii Barre Hiiraale ee lagu soo qabtay dagaalki tuulada Dujuuma.

Waxaa la iisheegay in qeyb kamid ah ciidamda maxaakiimta oo waday 4 maxaabiis ah oo dhaawac ahaa ay isku dayeen inay baxsadaan oo wiilasha maxaakiimta ah ay qoryaha kuqaataan taasoo sababtay in meesha lagu dilo 3 maxbus meesha midkii kalena uu kabaxsaday. Laakiin arintaas waxaa salkeeda soo baaraya guddi culumi ah oo qaar kamid ah ay ka imaan doonaan magaalada Muqdisho iyo shuurada sare.

Hase yeeshee Gudoomiyuhu waxu hal kama jiraan kutilmaamay hadalada kasoo yeeraya dadka sheegaya in wiilasha si ula kac ah loo laayay. Taasina waxba kama jiro oo markii horebna anagaa afar saac oo habeenimo soo qaadanay iyagoo dhaawac ah.

Hadalka Gudoomiyaha Maamulka Jubbooyinka uu kasheegay ideecdaha maxaliga iyo tan BBCda ayaa waxu soo afjarayaa beentii iyo bunbuniskii la isla dhexmaryay. Waxuuna Gudoomiyuhu si hufan usheegay sida dhabta ah ee wax udhacay, isagoo waliba sii muujiyay kalsoonidii shacabka soomaaliyeed ay kuqaban midowga maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed oo goballo fara badan kusoo duabaalay amaan iyo kala danbayn aan hadda kahor la arag ilaa iyo intii ay burburtay dawladii soomaaliyeed.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo-Desk

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com