GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Khartuum: Shirkii Khartuum oo laisku mari waayay, kadib markii waftidii midowga maxaakiimtu labo shuruud ay kuxireen
Shirkii beesha calamku ay kurabeen inay isku hor fadhiisiyaan DFKS iyo MMI soomaaliyed ayaa sida muuqata faashil kudhamaaday kadib markii waftidii maxaakiimta shirka uga qeyb galaysay ay 2 shuruudod kuxireen in la sameeyo hadi kale aysan kaqeyb galaynin shirka.

*In ciidamada Ethiopianku ay gudaha wadanka Soomaaliya kabaxaan
* In dawladda Kenya amase IGAD aysan qeyb kanoqonin hagitaanka shirka

Prof Cadow oo galabta isu diyaarinayay inay dib ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho ayaa mar labaad kuceliyay inay adeg tahay inu shir dhexmaro iyaga dawladda inta ay labadaas xaaladood jiraan.

Dhinaca kale waxuu sheegay inuu wafti caalami ah oo xaqiiqo raadis ah ugu baaqayo inay yimaadaan dhulka ay maxkamaduhu katilayaan si ay indhahoodu ugu arkaan beenta la sheegayo ee kusaabsan inay maxaakiimta lajoogaan ciidamo kasoo jeeda wadanka Eriteriya.

Waxa uu sheegay in xaqiiqada ay dunida ogaan doonto, isagoo farta ku fiiqay dalka Ethiopia oo uu sheegay in ay tahay caqabad hor istaagtay in wada hadalka dhinacyada siyaasadda Somalia uu maanta ka furmo magaalada Khartuum ee dalka Suudan.

Dhinaca kale Prof Cadow waxu ku gacan sayray qancinta uu sheegtay inuu maxaakiimta ku qanciyay mawqifka dawladda Kenya safiirka wadanka Kenya Amb Maxamed Cabdi Affey oo maalmahan kuhawlanaa sidii uu wafitaga midawga maxaakiimta ugu mujin lahaa mawqifka dhabta ahee dawladiisa.

Wararku waxay intaas kudarayaan in shirkii dib loo dhigay illaa iyo 15 Novembar oo mar kale dib la iskugu soo noqon doono hadii dib laiskugu afgarto.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo-Desk.

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com