GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Godey: Wafti Balaaran Oo Uu Hogaaminayo Addisu Legesse Kana Mid Yahay Lugbuur Oo Godey Soo Gaaray
Waxaa magaalada Godey soo gaaray wafti balaaran oo uu hogaaminayo ku xigeenka ra'isulwasaaraha Itoobiya ahna Wasiirka Wasaarada Beeraha dawlada Dhexe Atto Addisu Legesse.

Waftiga ra'isulwasaare ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida Ogadeniya Mudane Cabdullahi Xasan Lugbur.

Waftiga oo shalay galabnimo ka soo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Godey ayaa waxaa loo soo dhaadhiciyey guriga madaxtooyada iyadoo halkaasi ay kula kulmeen saraakiil sarsare oo ciidanka Itoobiyanka ah ee saldhigoodu yahay xerada birgade-ka ee ku taal duleedka magaalada Godey.

Casarnimadii ayaa Addisu Legesse iyo Cabdullahi Xasan Lugbur waxaa diyaarad helicopter ah lagu soo dulmariyey biya-xireenka weyn ee ku yaal magaalada Boodhcaano oo ay wax yeeleeyeen daadadka Wabi Shabeele.

Waftigan ayaa ilaa hada ku sugan magaalada Godey iyagoo maantana lagu wado inay helicopter ku soo dulmaraan dhamaan degmooyinka gobolka Godey ee ay hareeyeen daadadka Wabi Shabeele.

Magaalooyinka Boodhcaano, Qalaafe, iyo Mustaxiil oo dhamaantood ka tirsan gobolka Godey ayaa waxaa aad u saameeyey daadadka Wabi Shabeele iyadoo daadadkaasi ay geysteen qasaarooyin baaxad weyn.

Godeynews.com

Xigasho:Wabishabeele.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com