GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Muqdisho: "Qof haduu shaatigaada kaa qaato adigay masuuliyad kaa saaran tahay inaad dib usoo ceshato, daandaansiga Ethiopiana jawaab degdeg ah ayaan bixinaynaa" Hadalkii Macalin Xaashi Aden Cayroow
Cidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa sida lasheegayo maanta tijaabiyay sawaariikh casri ah oo ay ugu tala galeen inay sii tijaabiyaan kahor inta uusan dagaalku kadhex qarxin ciidamada Ethiopianka ee kusugan gudaha jamhuriyadda Soomaaliya.

Dareenka ah inu dagaal kadhex qarxo labada dhinac ayaa waxuu sii batay markii uu soo fashilmay shirkii labada dhinac lagu heshiisiinayay ee Khartuum. Xoogaga Midowga Maxaakiimta ayaa kataliya inta badan goballada K/Soomaaliya marka laga reebo hal magaalo oo ay dawladu kataliso, haddana ciidamada Ethiopianku ay gacanta kuhayaan.

Ciidamada ka amar qaata labada dhinac ee Ethiopianka iyo kuwa maxaakiimta ayaa isujira wax kayar(19 miles) taasooy ciidamada maxaakiimtu kaabiga u saaran yihin magaalada kaliya (Baydhabo) ee dawladu ka arimiso. Dhinaca dawladda ayaa waxay aad iskugu haleenayaan ciidamada Ethiopianka oo aad u tiro badan, isla markaasna wacad kumaray inay difaaci doonaan dawladda taagta daran ee uu hormuudka kayahay C/laahi Yuusuf.

Taliyaha guud ee guutada Al-shabaab Macalin Xaashi Aden Cayroow ayaa warbaahintu maanta usheegay sidan

" Anaga oo maxaakiimta ah ayaa nalaga rabaa inaan jawaab kabixino gardarada ciidamada Ethiopianka ay kusoo qaadeen shacabkaanaga iyo wadankaanaga gudihiisa. Qof haduu shaatigaada kaa qaato adigay masuuliyad kaa saaran tahay inaad dib ugasoo ceshato. Dhulkaanaga iyo dadkaanagaba anagay masuuliyad naga saaran tahay inaan kasaarno ciidamada Ethiopianka waana kasaaraynaa Inshaallah"

Macalim Xaashi Cayroow isagoo sii watana waxuu yiri " Waxaa naga go,an inaan si degdeg ah ugudano waajibaadkanaga."

Dhinaca kale dadka udhaqan magaalada Buurxakabo oo ah meesha furinta u ah labada ciidan ayaa waxaa soo food saartay cabsi iyadoo ay boqolaal kamid ah ciidamada maxaakiimtu ay kusii qulqulayaan degmada Buurxakabo oo isla maantana meel aan kafogayn ay ciidamada maxaakiimtu kutijaabiyeen sawaariikhda dagaalka.

Iskusoo uruuriyoo waxaad moodaa in labada qolo ay isu diyaarinayaan qaban qaabadii dagaal ee ugu danbaysay, balse uun lasugayo cidda yeelan doonto gacan qaadka hore iyo awooda u yeelan karo.

Godeynews.com

Xigasho: Reuters

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com