Madaxa amniga iyo difaaca golaha MMI Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa u xaqiijiyay ideecadaha maxaliga magaalada Muqdisho in lasii daayay wafdigii uu hogaaminayay guddoomiyaha maamulka islaamiga ee gobollada Jubbooyinka Sheekh Axmed Madoobe oo diyaarad usaarnaa lagu xiyaray Wilson Airport oo markii hore cilad farsamo darteed ugu dagtayt.
Waftida saarnaa diyaaradda ayaa dhamaantood kamid ahaa masuuliyiinta sarsare ee maamulka islaamiga jubbooyinka sida gudoomiyaha maamulka Sheekh Axmed Madoobe iyo Ibraahim Shukri Abu Zeynab. Diyaaradan ayaa hayd mid gaar ah oo wafdigan ay kasoo raaceen gelinkii danbe ee shalay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, balse sida lasheegay markay kutimid cilad xagga farsamada ah ayay xalay kudegtay garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi.
Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa sheegay in wafdigaasi uu haatan ka soo duulay garoonka Wilsan saacadaha soo socda ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho,isagoo tilmaamay in golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed iyo dawladda Kenya ay iska afgarteen sababihii diyaaradaasi ay ugu degatay garoonka Wilson.
Safiirka dawladda Kenya u qaabilsan arimaha soomaaliya Amb. Maxamed Cabdi Affey ayaa sida lasheegayo dedejiyay in diyaaradaas iyo waftiga saaranba si degdeg ah loo sii daayo.
Waxaa haatan magaalda Muqdisho kasocda qabanqaabo lagu soo dhaweeynayo waftigan ballaaran oo uu hogaaminayo Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Islaam ayaa la filayo xilli dhow inay kasoo degtaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo magaalda Muqdisho la isla dhexmarayaa in waftidan Maamulka Islaamiga Jubbooyinka ay kaqeyb galayaan shir ballaaran oo lafilayo inuu kadhaco Muqdisho ayna kasoo qeyb-galaan dhamaan maamulada ugu sareeya goballada ay kataliyaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.