GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Kismaayo: Cidamada Amniga Goballada Jubbooyinka oo fashiliyay qorshe lagu kicinayo beesha Hartiga ee kudhaqan Kismaayo!!!
Warar aan wali lashacaanin oo warsidaha Godeynews kasoo gaaraya dad xog-ogaal ah oo kusugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay fashiliyeen qorshe ay kadanbeeyeen M/weyne C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo lagu doonayay in kacdoon lagu galiyo qaar kamid ah shacabka kudhaqan magaalada Kismaayo, kadib markii uu burburay kii qaqable Barre Hiiraale

Qorshahan fashilmayay ayaa waxa kadanbeeyay M/weyne C/laahi Yuusuf iyo Cade Muuse M/weyne maamul gobaleedka Puntland oo labadubu ay ka go,antahay inay si dadban qalaalaso iyo rabshado uga ridaan magaalada Kismaayo, iyagoo hadda kahor waxay dhaqaale iyo hub hayeenba soo siisayay Qaqable Barre Hiiraale oo lagaga adkaaaday dagaalkii Dujuma iyo Saakoow.

Cade Muuse iyo C/laahi Yuusuf ayaa soo diray 7 nin oo wata lacag fara badan kuwaasoo lagu soo yiri soo abaabulo dadka Hartiga ah ee kudhaqan Kismaayo iyo hareeraheeda, kadibna isgaashaan buuraysta idinka iyo waxii kaharay haraadigii Barre Hiiraale.

Ciidamada Amniga Jubbooyinka ayaa in mudo ahba kawar hayay 7 nin iyo waxa ay kudhexjiraan, iyagoo inta badan kuhayay ilaalo qarsoon, isla markaasna sugayay qaabka iyo sida ay rabaan inay u howl galaan.

Warkii ugu danbeeyay arintaas ayaa sheegaya inay qeyb kamid ah ciidamda amniga goballada jubbooyinka ay kadaba baxeen 7dii xubnood oo sida lasheegayo si dhuumashe ah uga baxay magaalada Kismaayo iyagoo kusii jeeda tuulada Buulo-xaaji oo katirsan degmada Badhaadhe.

Ciidamada Amniga Jubbooyinka ayaa maanta iyaguna u baxay inay gacanta kusoo dhigaan xubnahas calooshood u shaqeystayaalka kalana soo wareegan waxii hanti ah ee gacantooda lagu qabto ee loogu tala galay in amniga jubbooyinka lagu wax yeeleeyo.

Masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Islaamiga Jubbooyinka oo Godeynews si gooni ah ula xirirtay ayaa iyagu kagaabsaday inay wax faahfaahin kabixiyaan arinkaan illaa iyo inta lagasoo gabagabaynayo hawl galada ciidamada amaanku kumaqan yihiin.

Beesha Hartiga ee Waamo ayaa illaa iyo maalintii midowga maxaakiimtu lawaregeen talada goballada Jubooyinka wada shaqeyn fiican oo hiil iyo hooba lagarab taagnaa midowga maxaakiimta iyagoo dhawr mar kasii daayay warbaahinta qoraalo ay kutaageerayaan midowga maxaakiimta goballada jubbooyinka, isla markaasna ay kudhaleeceynayaan maamulkii burburay ee walaalaha Gal-gaduud ee mudada dheer dhulka Waamaha kuhaystay boobka iyo kufsiga aan xuduudka lahayn.

Iskusoo duduboo ilaa iyo intii ay midowga maxaakiimtu lawareegeen talada Goballada Jubbooyinka ayaa waxaa soo ifbaxaya colaad iyo cabsi argagaxa wadata oo lasoo gudboonaatey masuuliyiinta C/laahi Yuusuf, Cade Muuse iyo Zenaawi oo kor iyo hoosba kudadaalaya sidii ay u burburin lahaayeen nabadda iyo xasiloonada kadhalatay Goballada Jubbooyinka oo ay hadda gacanta kuhayaan ciidamada midowga maxaakiimta oo uu madax kayahay Sheekh Xasan Turki.

C/laahi Sheekh,
Godeynews.com
Kismaayo.

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com