Buurgaabo: Maleeshiyo beeleedkii soo weeraray degaanka Buurgaabo oo firxadkoodii lagu sheegayo dhulka hawdka ah!
Dagaaladii maalmahan kasocday deegaanada xeebta ah ee hoos yimaada degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa kudhintay ilaa iyo dad ka badan 17 qof oo isugu jira labadii qolo ee iska soo horjeeday.
Dhinaca beesha Ogadeenka waxaa kadhintay 2 qof oo lakala yiraahdo Aden Guure oo kasoo jeeda ((Ogaadeen/Tolomage) iyo Nuur X oo kasoo jeeda beesha (Ogaadeen/Maqaabul) halka Gaaljecel iyo maleeshiyada Dooxada Juba laga dilay 11 qof. Dhinaca kale waxaa jira nin rayid ah oo dhintay kana soo jeeda beesha Harti/Majeerteen oo isla maleeshiyadan dooxada Juba ku xabadeeyeen gaari usaarnaa inta udhexeesa Badhaadhe iyo Hoolaa wajeer.
Hadaba mar Godeynews ay maanta xiriir toos ah lasamaysay magaalada Buurgaabo oo ahayd meeshii uu ka qarxay dagaalakii ugu horeeyay ayaa waxaa loo xaqiijiyay inuusan jirin wax dagaal ah oo kasocda magaalada Buurgaabo iyo agagaarkeeda toona, xaaladuna ay aad u degan tahay hawlihii dekaduna ay si toos ah uga socdaan dekada macmalka ah ee Buurgaabo.
"Maleeshiyo bililiqo iyo dhul raadis ah ayay markii horeba ahaayeen, weyna kujabeen dagaalkii ay soo qaadeen kamana hareyno illaa aan ka sifeeyno deegaanada Joore" ayuu yiri Col Cali Dheere oo ah taliyaha saldhiga booliska degamada Badhaadhe
Sidoo kale gudoomiyaha magaalada Buurgaabo ayaa noo xaqiijiyay inay inta badan maleeshiyadii soo weeraratay ay kukala firxadeen dhulka hawdka ah amaba ay kudhinteen dagaalkii maalmo kahor ay la galeen ciidamada amniga deegaanka. "Waxayna iskudayeen inay qabsadaan dekada macmalka ah ee Buurgaabo, isla markaasna ay bililiqeystaan maalka dadka ee yaalla magaalada Buurgaabo." ayuu isaguna yiri Cabdi Riino
Gudoomiyuhu waxuu kaloo intaas kudaray inay ku guda jiraan sidii aan udiri laheyn ciidamo sugo amniga guud ee degmada Badhaadhe iyo deegaanada Xeebta ah oo dadku u badan yahay madaama marka qaar ay dadweynaha deegaanku sheegayaan in maleeshiyadii qaarkood galeen dhulka hawdka iyagoo mararka qaar iskudaya inay dhexda kubaartaan gawaarida ukala goosha magaalooyinka kale ee deegaanka amaba gawaarida kuqaada weeraro kudhfoo kadhaqaaq ah.
Dhinaca kale waxay noosheegeen inay diyaar garoogoodi ugu danbeeyay dhamaysteen hadii uuba jiro guluf colaadeed oo kaga yimaada dhinaca magaalada Kismaayo oo ah meesha laga soo abaabulo duulimaadyadan ku abtirsada maleeshiyo beeleedyada Dooxada Jubba ee sadexdii bilood ee ugu danbaysay gacanta kuhayay magaalada madaxda gobalka J/hoose ee Kismaayo.