Mar haddii Go'aankii Maxkamadda Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoriynta Ogaadeeniya uu banaaka yaalo, oon waliba tuhmayo inay iyaga banaanka soo dhigeen.
Waxaa igu wajib ah inaan qaab dhismeeddka Maxkamadda iyo Go'aan qaadashadeedda intaba si public ah ooga jawaabo.
Waxaan akhristayaasha sharafta leh, la socodsiinayaa, inay goor dhaw helayaan Jawaabta mudan Qoraalka lagu soo dhajiyay Godeynews iyo Somalistate.
Waxaan akhristayaasha u soo gudbindoonaa, caddeemo ku saabsan Maqal, oo ay la yaabi doonaan. Waxaa akhristayaasha bogan iyo bogaga kalaba u kalamirmi doona qofka "Daacadka" ah; qofka "Qaa'inka" ah; qofka "Daalimka" ah; iyo qofka "laba Wijiilaha" ah.
Marka hore ma rabin inaan waxaan qurmayo wax ka walaaqo, si uu u sii qurmo, laakiin saad aragtaan, waxaa lagama maarmaan layga dhigay inaan sidday wax u jiraaan idinku soo bandhigo, si aad Garsoore oga noqotaan xaaladan murugsan. Isla markaana u fahamtaan, kuwa Ururka dhexdiisa qaska ka wado.