GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Jendayi Frazer iyo koox khuburo Maraykan ah oo booqday Godey
Godey, Ethiopia - Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha dibada ee Maraykanka Jendayi Frazer oo hogaaminaysa koox xeeldheerayaal American ah oo uu kamid yahay ninka madaxwayne Bush wakiilka gaarka uga ah caawinta arimaha Africa (President Bush's Special Assistant for Africa) Mr. Bobby Pittman ayaa shalay booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada istratiijiyada dhinaca Dhaqaallaha iyo Maleteriga ah ee Godey.

Jendayi Frazer iyo kooxda khuburada ah ee ay hogaaminaysay waxay socdaal xog-ogaalnimo ku tageen xudunta gobolka Ogaden magaalada Godey (the belly button of Ogaden region) si ay ugu kuurgalaan xaalada dhabta ah ee kajirta geyiga Ogaden kadib markii mudooyinkanba ay socdeen arimo murugsan oo kusaabsan xadgudub iyo gabood falyo ka dhan ah Somalida Ogaden oo ay gaysteen dhinacyada isku haya gobolka.

Jendayi Frazer iyo waftiga sare ee Maraykanka ah waxay magaalada Godey kula kulmeen Odayaasha dhaqanka iyo maamulka magaalada Godey si ay u helaan xogta dhabta ah ee ka jirta dhamaan goboka Ismaamulka Somalida Ethiopia. GodeyNews oo xidhiidh degdeg ah lasamaysay Godey waxaa loo sheegay in 17 Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Godey ay la xaajoodeen wafdiga Maraykanka iyadoo sifiican wadiga loogu soo dhaweeyay Aqalka dawlada ee Godey (Godey State House). GodeyNews waxaa loo xaqiijiyay in waftiga Maraykanka oo ah midkii ugu heer sareeyay ee abid taga gobolka Ogaden loo fidiyay martiqaadkii dhaqanka ee Somalida Ethiopia ee looyaqaano "Loogid", kaasoo lagu maamuuso marti-sharafta aadka loo qadariyo.

Jendayi Frazer iyo waftigeedu waxay Godey kala kulmeen qadarin iyo tixgalin dhaqan adag kasoo jeeda oo aysan filanaynin. Wada tashigii Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha Maraykanku waxuu ku soo afjarmay is afgarad iyo is barasho xoogan, kasoo ay Jendayi Frazer ku tilmaantay inuu bilowday xidhiidh aysan filanaynin. Jendayi Frazer waxay gabagabadii kulanka Odayaasha tibaaxday inay muhiimad gaar ah siindoonto siddii dawlada Maraykanku ay waxqabada lataaban karo ugu fidin lahayd dadka reer Godey iyo guud ahaanba gobola Ismaamula Somalida Ethiopia. Warar aan la shaacinin waxay sheegayaan in Jendayi Frazer ay balanqaaday in dawlada Maraykanku tageero dhica horumarinta ah loo fidindoono gobolka Godey sida dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo waliba dayactirka garoonka magaalada Godey.

Related news: US Official Urges Greater African Involvement

GodeyNews desk

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com