Godey, Ethiopia - warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya booqashadii ay Jendayi Frazer iyo khuburadii kale ee lasocotay ay ku tageen xarunta ganacsiga ee gobolka Ogaden magaalada Godey oo dadka degaanku u yaqaanan Goday~Gacalo. Khuburada Maraykanka oo ay kamid ahaayeen saraakiil sare oo ka socday wasaarada gaashaandhiga ee Pentagon ka ayaa soo indha-indheeyay (visibility study) xeryaha ciidanka sida xarunta ciidanka dawlada dhexe (Brigade), Buundada (Godey bridge) Garoonka Dayaaraduhu ka haadaan oo markiisii horeba uu maraykanku dhisay qiyaastii intii u dhaxaysay sanadihii 1964 to 1967.
Sida ay qabaan xeel-dheerayaasha arimaha siyaasada geeska Africa falanqeeya waxaa jirta qadiyado fog oo Maraykanku ka leeyahay geeska Africa, taasoo saraakiisha Pentagon-ku u arkaan in meesha ugu haboon (important military hub) ay tahay magaalada dhinaca military-ga strategic-ga ah ee Godey~Gacalo.
Kal hore ayuu maamulka madaxwayne Bush shaaca kaqaaday in Maraykanku damacsan yahay inuu xarun military (Center for American Military Base in Afica) ka dhisto Africa, tasoo loogu magacdaray AFRICOM. Waxaa jirtay in wasaarada gaashaandhiga ee Marayku ay sahan iyo baadigoob ugu jiraty wadankii iyo meeshii ugu haboonaan lahayd ee xarunta cusub ee AFRICOM laga dhisi lahaa. Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan baadigoobka oo xitaa loo adeegsaday Satellites waxuu ku soo gabagaboobay in barta lacalaamadeeyay ay noqotay Godey~Gacalo.
Wararku waxay tibaaxayaan in koox khubura ah oo lasocotay Jendayi Frazer in lagu reebay magalada Diri-dawa si ay u diyaariyaan dhamaan qorshayaasha salka loogu dhigaayo abuuritaanka xarunta AFRICOM. Ragga siyaasada GodeyNews u odorosa waxay sheegayaan in gabi ahaanba wajigii sahanku dhamaaday, iminkana laguda galay dhismaha iyo qalabaynta xarunta cusub, iyadoo xerada ciidanka Maraykanku ku leeyahay Jabuuti (Camp Lemonier) loo soo wareejin doono Godey. Waxgaradka gobolku waxay aaminsan yihiin in arintani ay horseedi doonto xidhiidh iyo isfaham dhaw oo dhexmara AFRICOM iyo shacbiga gobolka Ismaamulka Somalida Ethiopia si laysagu bahaysto loogana hortago dhamaan waxii xag-jirnima keeni kara, taasoo gobolka oo dhan u horseedi karta horumar iyo deganaansho waara.
Related news: � U.S. Africa Command � Combined Joint Task Force for Horn of Africa