GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Buurgaabo: deegaanka Buurgaabo oo shalay galab dagaallo ka qarxeen
Deegaano hoos yimaada magaalada xeebta ah ee Buurgaabo ayaa waxaa shalay galinkii danbe dib uga qarxay dagaal xoogan oo udhexeeya dadka deegaanka iyo maleeshiyo beeleedyo iska uruursaday magaalada Kismaayo oo hadda kahor dagaallo ay soo qaadeen lagaga itaal roonaaday inay gacanta kudhigaan magaalada Buurgaabo.

Maleeshiyooyinka deegaanka isku haya ee mudadu dirirtu ka dhexeesay ayaa waxay kasoo kala soo jeedaan qoysas kamid ah beesha Ogaadeen iyo Gaaljecel oo isku haya gacan kuhaynta magaalada dekada ah ee Buurgaabo oo mudooyinkii danbe laga dhoofiniyay waxyaabo fara badan oo u badan dhuxusha iyo Aargoostada.

Dagaalkii shalay galab kadhacay dhulka baadiyiha ah ee magaalada Buurgaabo ayaa waxaa lasheegayaa inay kudhinteen isku geyn 5 qof oo kamid ah maleeshiyadii dagaalamaysay 4 waxay kasoo jeedeen beesha Gaaljecel halka 1 qofna uu kasoo jeedo beesha Ogaadeen laguna magacaabo Carab....?

Godeynews oo maanta xiriir lasamayasay magaalada Kulbiyow ayaa waxaa loo sheegay in Gudoomiyihii Buurgaabo Cabdi Riino iyo xubno kale oo muddo kusugnaa magaalada Kulbiyow ay maanta kabaxeen iyagoo kusii jeeda Buurgaabo oo meelo aan kafogayn ay kasoo cusboonaadeen shaqaaqooyin dagaal.

Bishii Augst ee lasoo dhaafay ayaa waxaa sidan oo kale deegaanka kadhacay dagaal sababay dhimisho iyo dhaawac kaasoo markii danbe waan-waan nabadeed laga dhex abuuray beelihii maleeshiyaadkii dagaalmayay mid kamid ahna lagu amray inay dhulka nabad ugu noolaadeen hadii kale ay iskaga guuraan dhulka maadaama aysan dhulka deegaan uusan u ahayn. Heshiiskaas iyo qodobo kale oo aga sugayay inay fuliyaan ayaa hadana waxaa dhacday dagaalkan oo aan kala cadayn sida uu kabilawday iyo waliba cidda bilowday.


Waxii warar ah ee kasoo kordha deegaanka Buurgaabo kala socda Godeynews oo wararkeeda danbe kusoo tabin doonta Inshaalllah

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com