GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Jijjiga: Maxaabiis fara badan oo xabsiyada Magaalada Jijjiga laga sii daayay!!
Warar ka imaanaya magaalada Jijjiga ayaa sheegaya in shalay lasii daayay dad badan oo siyaaboyin kala gedisan ugu xir-xirnaa xabsiyada magaalada Jijjiga iyo magaalooyinka waaweyn ee ismaamulka soomaalida.

Dadkan lasii daayay ayaa waxaa badankooda la xirxiray xiligii ay ciidamada dawladda Ethiopia bilaabeen hawlihii ay kusheegeen sifeeynta ururada la dagaalama sida ONLF, taasoo sababtay inay bara kacaan dadweyne fara badan oo shacab ah, isla markaasna aan shaqo kulahayn dagaalka kadhexeeya labada qolo.

Dhibaatooyinka gobalka kadhacay ayaa waxuu gaaray warbaahinta aduunka oo dhan, intaas kadib UNta ayaa amartay in loo diro guddi soo baaro dhibaatooyinka raashin la,aaneed iyo eedeynta Jabhadda ONLFta kusheegtay "in maamulka Zenaawi iyo ciidamdiisu ay dadka deegaanka si ula kac ah u gaajaynayaan."

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dadka lasii daayay ay kujiraan xubno ganacsto caan ahaa oo xiligaas laga qabqabtay magaalada Jijjiga iyagoo lagu edeeyay markii la qabanayay inay xiriir la leeyihiin jabahadaha la dagaalamo dawladda. Arinkan ayaad moodaa inuu qeyb ka yahay cafis guud oo dawladda dhexe ee Ethiopia bixisay xiligii milleniumka u dabaal dagaysay oo ay sheegtay inay cafisay dad badan oo xabsiyada dalka kukala jira oo tiradoodu ka badanayd 16000 oo qof.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in si rasmi ah loo furay, isla markaasna xiyaaraadii saarnayd laga qaaday isu socodkii gaadiidka goballada ismaamulka iyo waliba kii ganacsiga ee gobalka ismaamulka soomaalida udhexeeyay jamhuuriyadda soomaaliya oo muddo 3 bilood xirnaa.


Godeynews.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com