GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Ilo xog-ogaal ah ayaa Godeynews maalmo ka hor soo gaarsiiyay inuu kuxigeenkii Kowaad ee Jabhdda ONLF mudane Maxamed Ismaaciil iska casilay jagadii ku xigeenimo ee uu ururka kahayay iyo too gole dhexenimo labadaba, kadib markii khilaaf aan lashaacinin soo kala dhexgalay isaga gudoomiyaha ururka Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo lasheegi jiray in siyaasadoodu aad iskugu dhoweyd.

Khilaafkan ayaa dadka xogta Godeynews usoo gudbiyay kusheegeen inuu salka kuhayo kii sanad kahor golaha dhexe ee ururka looga eryay xubno kamid ahaa ururka oo 11 qof ahaa, isla markaasna sharci ahaan uusan golaha dhexe ee ururku isku raacin erintooda taasoo xiligaas abuurtay buuq iyo jahwareer soo kala dhexgalay taageerayaasha ururka iyo waliba masuuliyiintii ugu sareysay ururka oo wali aan kuheshiinin go,aamiadii maxkamadda loo saaray soo gaareen.

Hadaba Maxamed Ismaaciil ayaa kamid ahaa ragii xiligaas eryay nimankan 11ka ahaa, isla markaasna waxuu siyaasad ahaan aaminsan yahay inaan dib loo soo celin xubnahaas wax wadahadal ahna aan laga gelin taasoo gudoomiyuhu uu ku khilaafay uuna sheegay in lasugo go,aanka maxkamadda oo markii danbe soo celiyay isla go,aankoodii hore.

Hase yeeshee Maxamed Ismaaciil ayaa xilkii iska casilay isagoo sabab kadhiganaya inay khalad ahayd in lnimankaas lala hadlo, isla markaasna la isku dayo in xubnaha maxkamadda jabhadda sheeganaya ay isku dayaan inay dib u fiiriyaan go,aankoodii hore ee lagu eryay xubnahaas oo uu kamid yahay Dr Doolaal iyo Eng, Salaxudiin oo yaguna dhinacooda sheegta inay eryeen gudoomiyihii ururka ONLF.

NB:Godeynews waxaa loo balan qaaday inay lasoo gaarsiinayo warqad lagu sheegayo inay tahay midii uu maxamed ismaaciil kusoo qoray is casilaadiisa

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com