GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
London: Shir aad u ballaran oo lagu qabtay London laguna taageerayay musharaxnimada Mudane Aden Barre Ducaale oo kasharaxan kursiga (DUJIS Constituency)
Shir aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen jaalliyadda kudhaqan wadanka UK ee soomaalida Kenya ee kasoo jeeda gobalka waqooyi-bari Kenya, gaar ahaan magaalada Gaarissa ayaa waxuu ka dhacay 29/09/07 galbeedka magaalada London.

Shirkaas oo si heer sare ah loo soo abaabulay waxaa si hufan oo maamulayay gacantana kuhayay mudane Cabdullahi Cali Faliir (C/laahi Ganay) iyo xubno kale sida Aden Dhicis Barre, Carfoon kuwaasoo hoolkii shirkana ku sharaxay sawirka musharax Aden Barre Ducaalle (xisbiga ODM). Waxaana kasoo qeyb galay dad aad u fara badan oo kor udhaafaya 500+, kuwaasoo warbixino khuseeya xaaladdaha siyaasadda ee Gobalka ka dhagaystay aqoon yahano, cuqaal iyo dadweyne kale oo kunool dalka UK.

Dhamaan dadkii yimid madashii shirka waxay si buuxda iskuraaceen inay taageeradoodu oo buuxda siiyaan musharaxa Aden Barre Ducaalle oo kutaagan xisbiga ODM kursiga baarlamaanka DUJIS oo hoos yimaada magaalada Gaarissa.

Dadkii madasha shirka kahadlay waxaa kamid ahaa Ganacsade Nuur Barre Ducaale oo kamid ah ganacsatada caanka ah ee sida fiican loo yaqaano magaalooyinka Gaarissa iyo Nayroobi, isla markaasna ahaa ninka loo qabtay shirka ee dadweynaha kasoo jeeda magaalada Gaarissa ee kudhaqan UK kacodsaday inay taageero siiyaan musharaxnimada Aden Barre Ducaalle oo ah nin aqoon iyo xirfad cusub kusoo kordhin doono wax u qabadka magaalada Gaarissa iyo guud ahaan siyaasadda gobalka waqooyi bari.

Ganacsade Nuur Barre Ducaalle oo kahadlayay dadka kudhaqan dibadda codkooda sida muhiim u yahay ayaa yiri sidan; " qof kastoo idin kamid ah qaraabo iyo ehel ayaa ujoogo magaalada Gaarissa bil walbana qaraabadiisa kunool Gaarissa waxaa dhaci karta inaad biil joogta ah u dirto, marka codkaadu meeshaas ayuu ka imaani ee noola hadal qaraabadaada inay na doortaan musharax Aden Barre Ducaalle".

Runtii hadalkaas waa lala dhacay oo dadkoo idil way soo dhaweyeen waxaana sii lafaguray oo iskaga danbeeyay odoyaal iyo dad aqoonyahanoo oo kasoo jeeda gobalka waqooyi bari. Dadkii kale ee meeshaas kahadlay waxaa kamid ahaa Dr Axmed Sheekh oo si guud oo hufan uga hadlay dhibaatada hogaan xumo ee haysata soomaalida kudhaqan gobalka waqooyi bari kenya oo nasiibkoodu noqday inay marwalbaba doortaan dad aan istaahilin shaqada MP ee loo doorto 5 sano mar.

" Maanta waa inaan isbedalkeena cusub ku bilawnaa kursiga Dujis oo ah saldhigga kuraasta gobalka waqooyi bari waana inaan taageernaa musharaxnimada Aden Barre Ducaalle oo ah maanta qofka ugu haboon ee bulshada Dujis siin lahaayeen codkooda si u baarlamaanka dhexdiisa ugu sheego baahidooda iyo xaquuqdooda maqan." ayuu yiri Dr Axmed Sheekh

Sidoo kale waxaa goobtaas kahadlay Mzee Maxamed Cabdullaahi Rabaax oo ah nin aqoon ballaaran u leh siyaasadda dalka Kenya, isagoo dhinaca warbaahinta kala soo shaqeeyay madaxweynashii hore ee dalka soo maray.

Waxu yiri Mzee Maxamed Cabdullaahi " Dadka kudhaqan deegaanka Kursiga DUJIS maanta waxay haystaan fursad qaali ah oo ay kudooran karaan nin aqoon, waxqabad iyo kalsooni intaba leh Aden Barre Ducaalle."

Waxaa sidoo kale iyagana meesha kahadlay odayaalkan Farax Gurxan, Qorane, Sheekh Xuseen, A/shakur Buba, Axmed Aden, Bishaar Hassan, Bilaad Aden Kukaay iyo xubno kale oo fara badan oo soo wada dhaweeyay musharaxnimada Aden Barre Ducaalle ee u kataagan yahay kursiga DUJIS ee magaalada Gaarissa.

Doorashada baarlamaanka ee dalka Kenya ayaa waxaa lafilayaa inay dhacdo ugu danbays bisha December ee sanadkan, taasoo lagusoo dooran doono 210 xildhibaan oo laga soo dooran doono dalkoo dhan iyo waliba madaxweynihii dalka oo ay kutartamayaan 3 musharax oo kala ah Mwai Kibaaki (PNU), Raila Odinga(ODM) iyo Kilonzo Musoyoka(ODM-K).






Godeynews desk
London,
UK.

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com