GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Qabridaharre: Natiijadii Imtaxaanka fasalka 10aad ee Sanad Dugsiyeedka 2006-2007 oo la sheegay!!!
Warbixintan waxaa noo soo gudbiyey Engineeer Cabdullaahi Ibraahim Caydid (Bucul) oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Qorahey Education Foundation (QEF), isla markaasna ah, wakiilka QEF ee Itoobiya.

Mudane Bucul oo lahdlaya bulshada reer Qabridaharre ee qurbaha kunool ee taageerta mashruuca taynta waxbarashada Qabridaharre ayaa yiri " Iga gudooma war lagu diirsado, natiijadii way soo baxday fasalka tobnaad ee sannad Dugsiyeedkii dhamaaday 2006/2007."

Q/dahare waxaa imtixaankii galay 430 arday,oo ay 133 gabdho yihiin, iyo 297 wiil. Imtixaankii waxaa gudbay (above 2.0 grade average) oo 11aad geli doona sannad Dugsiyeedkan 262 arday.

Marka la barbar dhigo Dugsiyada Godey, Dhagaxbuur,Wadheer, iyo Shilaabo si aan caadi ahayn ayey Q/dahare uga horumartay dadaalkeenii awgeed. Waana arrin lagu farxo oo kudayasho u baahan.

Godey waxaa Imtixaanka gashay 332 arday oo kala ah 273 wiil iyo 59 gabdhood. waxaa guud ahaan gudbay imtixaankii 46 arday oo keliya.

Wardheer waxaa imtixaankii galay 225 arday, oo kala ah 152 wiil iyo 73 gabdhood. waxaa guud ahaan imtixaankii gudbay 30 arday.

Shilaabo waxaa imtixaankii u fadhiistay 58 arday oo kala ah 33 wiil iyo 25 gabdhood. waxaa guud ahaan imtixaankii gudbay 10 arday.

Maanta oo aan sarkaalka Barnaajyada iyo kormeerka wasaaradda waxbarashada la kulmay,wuxuu ii sheegay inay Macallimiintii Nigerianka ahayd diyaar u yihiin inay Q/dahare ku noqdaan, laakiin ay kuwii Godey ay diidan yihiin inay Godey ku noqdaan oo ay haysato dhibaato aan la iisheegin.

Dhinaca waxaa suurtogal ah haddii ay Nigerianku sidaa Godey kaga tagaan inaan isku dhabar jabino sidoo aan u heli lahayn 3 macalin oo aan ku biirino macalimiinta Nigerianka ah ee hadda iskuulada magaalada Qabridaharre wax kadhiga.

Waxaan idinka illoobay dhagaxbuur oo ay imtixaankii galeen 469 arday inaan qofna ka gudbin, oo laga "cancel" gareeyey imtixaankii oo dhan, kaddib markii la ogaady inay Qish ay Maamulka iyo Booliiskii imtixaannada ilaalinayey ka qayb qaateen la sameeyey. Dhamaan ardaydii dhagaxbuur fasalka tobnaad ayey ku noqonayaan.

Intaasayey Mudanayaal sheekadaydii maanta ku dhan tahay, ee sidaa iyo nabadgelyo iyo kulanti dambe innaga oo nabad ah.
Bucul

Xigasho: Qabridahare.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com