GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Dhagaxbuur: Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo kordha weerarkii kooxda ONLFtu ku qaaday tuulada BIL-CULBUUR ee degmada Dhagaxbuur
Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhaya Magaalada Dhagax-Buur ayaa sheegaya in shalay Tuulada Man-Dooyaleey oo ka tirsan Degaanka Bul Cil-Buur ee Degmada Dhagax-Buur, Sidaasina aan uga fogayn tuulada bucul-buur uu Ururka ONLF ku dilay laba qof oo shacab Soomaali ah.

Wararkan ugu danbeeya ayaa xaqiijinaya in dhimashadu tahay labo halka dhaawacu yahayhal ruux.labada marxuum ee jabhada ONLF ku dishay tuuladaas ayay labaduba yihiin walaalo. magacyadooda ayaa kala ah:

1. Asad Ibraahim Da'uud
2. Maxameddheeg Ibraahim Da'uud
Halka ninka dhaawaca lagu magacaabo
1. Nuur Muxumed Da'uud

Dadka nolasha ay kooxda hubaysan ee jabhada ONLF kula tagtay ayaa aad uga yar tiro ahaan intii hore.Iyada oo imaka laxaqiijinayo in ay yihiin lix nin oo kaliya.

Waxaa kaloo loo xaqiijiyay somalistate.com in Axmed Muxumed Aaden [Axmedtinish] uusan ka mid ahayn dadka la qafaashay ee nolasha lagula tagay.

Ninka Dhaawaca ah ayaa loo qaaday maanta xarunta deegaanka ee Jigjiga. Waxaa saaka magaalada Dhagax-buur soo gaadhay masuuliyiin heer deegaan ah oo ka soo kicitimay Jigjiga.Waxaa wafdigan horkacayay Wasiirka Maaliyada Mudane Bashiir C/laahi Maxamuud.

Isku dhacyada dadka deegaanada ka soo jeeda iyo jabhada ONLF ayaa waayadan danbe kor u kacay iyaga oo khasaare ba'an ka soo gaadho dadka deegaanka ka soo jeeda.

Dhinacyada isku haya Colaada Deegaanka ayaa iyagu si bilaa-naxariis ah ula dhaqma dadka deegaanka iyaga oo qolana ku qasabto in ay ka hortagaan jabhadaha qolada-kalena si indha'la u layso masaakiinta meel ay u ciirsadaan la'.

Colaada deegaanka ka aloosan in muda ahba ayaan la garanayn cida ay faa'iidada ugu jirto balse si xad-dhaaf ah u sameeysay dadka shacabka.



Xigasho:[email protected]

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com