GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Nairobi: ICG oo ka digay dagaal ka qarxa xaduuda Ethiopia iyo Eritrea
Ururka International Crisis Group (ICG) ayaa warbixin qayli dhaan ah kasoo saaray dagaal helis ah oo kadhex qarxi kara wadamada Ethiopia iyo Eritrea oo labada dhinacba ay ciidamo kusoo dhoobayaan xaduuda udhexeesa labada wadan oo ay sanado kahor ku dagaalameen.

Ururka ICG ayaa sheegay in xaaladda dagaal inuu qarxo ay aad usoo badanayso madaama ay labadii dal midkiiba uu u muuqdo inuu soo dhoobayo ciidamo aad u tiro badan uu u dhamaystrin qalab Military. Arinkan colaadda soo cusboonaatay ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay sii xumayso xaaladda Geeska Afrika oo horeyba la il darnaa dagaallo iyo daganaansho xumo baahsan oo kajirtay wadamada geeska Afrika.

Dalka Eritrea oo ah wadan aad u yar ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu haysato ciidamada ugu tirada badan Afrika oo ay badankooda soo dhoobtay xaduuda Ethiopia. Halka Ethiopia laga warhayo inay xaduuda soo dhoobtay ciidamo gaaraya boqol kun (10,0000) oo askari, qaar badan oo kalena ay ka dagalaamayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Dadka u kuurgala siyaasadda geeska Afrika ayaa sheegay colaadan mid shakhsiyeed oo salka kuhaysa labada masuuliyiin ee ugu sareeysa dawladaha oo hadda kahor saaxiibo jabhadeed ahaan jiray kadibna isku dhac xun dhexmaray oo kadib isu badalay dagaalka xududda labada dal oo sababay dagaal labada dhinac ku keensada dhimasho iyo dhaawac aad u tiro badan.

Dawladda Ethiopia ayaa waxaa lagu edeeyaa inay taageero siiso jabhado kasoo horjeeda xakuumada Isias Afwerke halka Eritrea lagu eedeeyo inay taageero siiso jabhado kasoo horjeeda dawladda Ethiopia oo ka hawl gala gudaha Ethiopia iyo Soomaaliya.

Inta laga warqaba dawladda kaliya ee sida tooska u kala dhexgali karta labadan dal ayaa ah midda Mareykanka oo saaxiib wanaagsan oo dhinaca "Argagaxiso la dirirka ah" la leh xukuumada Ethiopia iyadoo ciidamada Ethiopianka kutaageeray soo gelitaankii ay kusoo galeen gudaha soomaaliya, isla markaasna marar badan ku dhaleecaysay dawladda Eritrea inay taageero siiso ururo "xag jira" sida Midowgii maxaakiimta Islaamiga oo saldhig iyo xarumo ka helay dalka Eritrea.

Godeynews.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com