GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Addisababa: Xafiiska UN OCHA oo sheegay inuu raashin kaalmo ah gaarsiinayo dad kudhaqan meelo kamid ah Gobalka Ogaden!!
Warar kasoo baxaya xafiiska Hayadda UN OCHA ayaa sheegaya inay dawlad deegaaneedka iyo midda dhexe isla ogolaadeen sidii ay raashin kaalmo ah u gaarsiin lahaayeen dadka kutabaalaysan goballada Ogaden oo qeybo kamid ah ay horey ciidamada dawladdu dagaal kula jireen jabhaddo hubaysan oo kasoo hor jeeda maamulka Ethiopia.

"Xafiiska kahortagga masiibooyinka ee Ethiopia ayaa si hadal ah noogu ogolaatay in tiro NGOs ay iyagu soo gudbiyeen ay si toos ah uga hawl geli karaan deegaanada ay weli kasocdaan hawlagalada military" Xafiiska UN OCHA

Xafiiska ayaa hadalkaas kudaray in NGOs UNta kamid ah loo ogolaaday inay kahawl galaan magaalooyinka Dhgaxbuur, Fiiq, Godey, Korahay iyo Wardheer. Sidoo kale UNta waxay xafiisyo kafurteen magaalooyinka Dhgaxbuur iyo Qabridahare oo ay ugu tala galeen inay kafuliyaan hawlaha gar-gaarka ah oo loo igmay hayadda OCHA.

Markii ugu danbaysay ay hayadahan NGOs ka hawlgalaan gobalka Ogaden ayaa waxay ahayd bilihii June iyo July kolkaasoo ciidamada dawladda Ethiopia ay la dagaalamayeen jabhadda ONLFta oo kahwl galisay xiligaas inta badan deegamada dagaalku kasocday.

Bishii September ayay ahayd markii UN Guddi kasocda ay booqdeen gobalka Ogaden, isla markaasna ay ay soo gudbiyeen in gobalkaas loo diro guudi madax banaan oo soo baarta xadgudubyo xaquuqul insaanka oo lasheegayo in lagula kacay dadka shicibka ah ee kudhaqan dhulka tuulooyinka iyo baadiyaha meelo kamid ah gobalka Ogaden.

Hase yeeshee waxaa arintaas si xoog leh u beeneeyay dawladda Ethiopia oo sheegtay " waxaan si toos ah u burburinaa kooxaha argagaxisada ah, ee ciidamada dawladdu marna ma dhibaateeyaan dad shicib ah".


Godeynews.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com