GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
C/raxmaan Maaday oo Cabasho ka soo qoray Cajaladdii Xog waranka iyo xanta isugu jirtay ee lagu soo daabacay websiteka Ogadeninfo.com
Intiina sida fiican ula socotay kolba heerka uu marayo khilaafka gaamuray ee sanadoba ka dhex aloosnaa xubnaha dibad kunoolka ee ugu sareeya ONLFta ayaa mudooyinkii danbe waxuu isu bedalay in lasoo saaro siro cul-culus iyo xan hoosaadka dhexmari jiray ururka dhexdiisa oo runtii banaanka usoo saartay midabada kala gedisan ee xubnahan iyo ninba ninka kale waxuu kaqabo.

Taasoo in badan oo dhagaystay ay la fajaceen heerka hooseeya iyo kalsooni xumida kadhex aloosan xubnaha sheegta inay "XORIYAD" ugu maqan yihiin shacabka reer Ogaadeeniya ee ay u diideen nabad iyo colaad midna.

Maalmo kahor waxaa sidan oo kale websiteyada OGADENINFO.COM iyo EEGGA.COM oo labaduba wax kaqora gobalka Soomaalida Ogaadeeniya looga sii daayay cajalado illaa iyo 4 qeybood ah(Audio type) oo kusaabsan wada hadalo iyo rayi is weydaarsi xinjira fajaas ah oo dhexmarayay labada xubnood ee kala ah General C/laahi Mukhtaar iyo Eng Salaxudiin Macoow oo si cad ugu muuqday inay xiligaas isku mawqif ka taagnayeen khilaafka kooxda ka dhex aloosan.

Inta badan Khilaafka udhexeeya labadan qeybood kuma salaysno mabaadii (ideology) ama halgan xumi iyo in wax laga badelo qaabkii horey loogu fashilmay ee waxuu ku salaysan yahay Sad-bursi, qabiil, eexasho, Nin jeclaysi, Musuq-maasuq iyo isjilaafateen kusaleysan qaab qoyseed hoose oo aad u liita.

Dhinaca kale waxaa bilihii danbe websiteyada kusoo biiray website cusub oo lagu magacaabo EEGGA.COM, kaasoo in badan warar maqal iyo muuqaal ah ka keenay gudaha wadanka intooda badan ahaa "youtube" oo si toos ah ugu hor imaanayay waraka khiyaaliga ah ee ay la wareegaan xubnaha dibad kunoolka ah. Wararkaas waxaan ka xusi karnaa kuwii badnaa ee yeesheen qabaa'ilada kala gedisan ee beesha Ogaaden oo lagu soo saaray qaabka youtubeka iyagoo qaarkood ka warbixinayay dhibaatada fara badan ee ONLFtu u geesto shacabka masaakiinta ah ee ay leeyihiin waan xoreynaynaa.



Hadaba maxaa dhexmaray websiteka Ogadeninfo.com iyo C/raxmaan Maadeey?


Akhristayaasha Bogga Ogaden.info waxaa lala socod siinayaa inuu Maday cabasho ka soo qortay, Cajaladii ay ku wada hadlayeen isaga iyo Eng. Salahdin Maow.

Maday wuxuu ku andacoonayaa in Codkiisa iyo sawirkiisa isagoon raali ahayn lagu soo dhejiyay webka ogaden.info. Hadaba Maday waxaan u sheegaynaa in aan lagu xadgudbin privacy-giisa, ee marka codka laga qabanayay uu ahaa masuul (public figure) oo qof walba uu xiisaynayay aragtisiisa.

Maadaama ay shacabku xiisaynayaan waxa iska bedelay aragtidiisa shaly iyo kan maanta, ayay daruuri u tahay in Codka Maday Cajaladaha inta ka harsan, Webkan iyo kuwa kalaba lagu soo dhajiyo, si loo ogaado, boogta Ururka iyo sidii loo dhayi lahaa.

Qofku hadii uu "Public Figure" yahay Waraysiyadiisa meel walba waa laga maqlaa, waxayna Bulshoweynta Somaliyeed ee xiisaynaya Qadhiyada iyo Halganka Xoriynta Ogaadeeniya xaq u leeyihiin inay Xogta Qofkaasi, iyo Qaabkiisa Siyaasi meesha uu ku wajahan yahay ay helaan.

Inaga uma aragno inay Cajaladahan yihiin kuwa lid ku ah Abdirahman Sheikh Mahdi (Maday), cadowna uma nihin isaga, balse waxaan ifinaynaa dhibka haysta Halganka Xoreynta Ogaadeeniya oo ay ONLF hormuudka ka tahay. Maday waxaa uu ku hadlayo oo dhan waa xaqiiqada ka jirtay Halganka dhexdiisa. Marka hadii lala qaybsado Fikirkiisii shalay, isla markaana ay Shacabku is weydiiyaan waxa ku kalifay inuu ka leexdo wadada saxda ah, sow guul uma aha halganka.

Sidaa darteed waxaan Saaxiibkay Maday lee nahay "is daji" Cadaw kuguma nihin, laakiin khaladkaagiina ma dabooli karno, hadii aan u aragno in ay dan ugu jirto Halganka Xoriynta Ogaadeeniya.




Mudane Maday Qoraalka uu ku Cabanayo ka akhriso hoos:

----- Original Message -----

From: guuleh
To: salaxdiin macow
Cc: [email protected] ; [email protected]
Sent: Thursday, November 01, 2024 1:49 PM

Subject: official request

date: 01/11/07

To: Mr. Salahdiin Mao

Owner of Ogaden.info website.

Ref: CDPA/01.11.07/01

Re: Request to remove unauthorised tapped conversation

On 30th of October you posted on your website Ogaden.info my picture and a recorded tape of a conversation you said is between me and you. I did not give you consent to tape my telephone conversation with you nor to post it on a public website.

I formally request you to remove that tape from your web site and not to post any other communication you had with me. It is your responsibility also to ensure that no other websites publish any conversation or electronic communication I had with you.

You have breached my privacy and if you do not comply with my request immediately, I will pursue all legal means available to me.



Thank You

Abdirahman Mahdi


Wararkii qaarkiis waxay Godeynews kasoo xigatay websiteka Ogadeninfo.com,

Godeynews.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com