GodeyNews.com
......News and Views From Around the World
.
.


Home
| Submit News | Forum | Contact

Welcome!
Main Menu
Somali Links

BBC
11:00 - 11:15
14:00 - 15:00
18:00 - 18:30

Doollo
GodeyOnline
•Hiiraan.com
• Kismayo
• Ogaden
• PuntLand
• Qaranimo
• Qorahay
• SomaliNet

• Somalitribune
• Somaliweyn
• SomaliPress
• S/galbeed.net
• SomaliHome
• SomaliUk
• Somalitalk
• SomaliTech
• Somali Gov
• UNSomalia

 
 
 
Port Elizebath: Cabdiwali Cabdi Bakeeri oo kasoo jeeday degmada Dhuxun oo maanta lagu dilay dalka S/Africa
Magaaladda port elizabeth waxaa hareeyay maalmihii la soo dhaafay dilal joogto ah oo maalinle ah kaas oo ka dhacay (mother well location) oo u jirta magaaladda p.e. 25 km. Maanta oo udanbeysay ayaa saacad kahor qoraalkeyga aan hada wado lagu dilay marxuum Cabdiwali Cabdi Bakeeri.

Dilkan maanta oo dhacay duhurnimadan ayaa ah wax ku cusub jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Eastern cape.

Marxuumkan ayaa waxa uu ku dhashay degmada dhuxun ee gobolka dhagaxbuur ee dulka s/galbeed.Marxuumka ayaa da,diisa naloogu sheegay 20 jir.

Waxaa sidoo kale labo bari ka hor la aasay marxuum ibrahim muxumed siyaad oo ku magac dheeraa (biriq) oo ka soo jeeda magaaladda garaseeni ee gobolka xeebta wadanka kenya marxuumkan ayaa ka soo galay wadanka kenya bil ka hor asagoo lahaa labo xaas.Waxaa isna ka horeeyay labo maalin uun marxuum maxamed khadar ismaaciil c/laahi oo ka soo jeeda magaaladda jig jiga dhamaan walaalahaas ku geeriyooday xaafadda (mother well location) isbuucan gudihiisa ayaa ku beertay jaaliyadda soomaaliyeed ee gobolka walwal iyo walbahaar dheeraad ah taasoo loo arko arin qorsheeysan oo lagu daargad gareynayo ganacsatadda soomaaliyeed ee ku jirta xaafadaha madawga.

Maamulka jaaliyadda ayaa iskugu imaanaya shir deg deg ah saacadaha soo socda kaas oo diirada lagu saarayo xaaladda amni xumo ee soo siyaadeeysa maalinba maalinta ka danbeysa.Alle ha unaxriisto walalaha geeriyooday rabina ha galiyo jannatul fardowso eheladii iyo qaraabadii eey ka tageena ha ka siiyo samir iyo iimaan aaamiin

Xigasho: Dhanaan.com

�Godeynews.com

 

 
 



 
   
   

Home | Submit News | Forum | Contact
All Rights Reserved. 2005. GodeyNews.com